Uncategorized

Komishanka Doorashooyinka oo sababeeyay ujeedada maalin codayn tijaabo ah

Hargeysa, 16. May 2012 (SDN)- Guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland ayaa markale shaaciyay inay qabashada maalin tijaabo ah iyo sababaha ku kalifay in maalintan la qabto doorasho tijaabo ah.

Warsaxaafadeed saaka ka soo baxay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u dhignaa sidan:

“Ka dib markii sharci laga soo saaray in si toos ah loo doorto musharaxiinta goleyaasha deegaanka (open list) waxaa badatay tirade dadka la dooranayo ee magacyadooda lagus oo qori doono warqada codbixinta.

Guddida Doorashooyinka Qaranku iyagoo arrimahaa ka baaraandagaya wuxuu goostay in maalin tijaabo ah lagu sameeyo doorasho.

Laba boqol oo qof ayaa tijaabada doorashada gali doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad Waayeel ah, Dhalinyaro, kuwa wax akhriya iyo kuwa aan waxba akhriyin, isugu jira rag iyo dumar. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya  bulshada Somaliland noocyadeeda kala duwan.

Sababaha Guddida Doorashooyinka ugu baahdeen in la qabto maalinta doorashada tijaabada ahina waa in si mug leh looga baaraandago baaxada hawl-gal ee codeyntu yeelan doonto xilliga doorashada deegaanka ee fooda inagu soo haysa ahna markii ugu horeysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo tirada mushraxiintuna ay aad u badan tahay.

Waxa kale, oo Guddida Doorashooyinku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabada ah wacyigelin caam ah oo bulshada rayidka ah, ururrada iyo xisbiyada siyaasadduna la socdaan kana qayb qaataan hanaanka cusub ee Doorashadu u dhacayso.”

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Axmed Maxamed Xisri Geelle

SDN, Hargeisa