Uncategorized

Wasiir Duur, Dr. Cabdi Aw-Daahir iyo guddoomiye kuxigeenka 2aad ee KULMIYE oo Saamaxaad ka dalbaday siyaasi ay walaalo yihiin Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Daallo 7, July 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraalle Duur, Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir iyo Xildhibaan Waabeeye oo ah masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira Beesha Habar Yoonis eek u shiraysa Buurta Daallo isla markaana ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee loo tiriyo inay masuul ka ahaayeen dhacdadii C/raxmaan C/qaadir Xisbiga Kulmiye ku farasaaray isla markaana Dhaawacu ka soo gaadhay ayaa madasha Shirka Beeshooda Casayr C/qaadir oo C/raxmaan C/qaadir Walaalkii ah Saamaxaad kaga dalbaday Guurtida horteeda.“masuulkaa khaldama, oo qofkaa khaldama, oo cid kastaaba way khaldantaa ee wixii aanu khalad lahayn waxaanu codsanaynaa in qofkii khalad noo arkayaaba uu tuuro anaguna wixii khalad aanu cid ka tirsanay waanu tuuraynaa Midnimaanu Idinku Sagootinaynaa” sidaa waxa ku tiraabay wasiir Duur oo Madasha shirka hor taagan Duub weynta Beesha Habar yoonis.

Wasiir Maxamed Nuur Carraalle Duur isagooo farta ku fiiqaya Casayr C/qaadir oo hortiisa soo fadhiya kana raaligelinaya wixii Kulmiye ay walaalkii ku sameeyeen yidhi “halkaa waxa soo fadhiya Casayr C/qaadir waxaanu leenahay Casayr inaadeer aynu isa saamaxno” ayuu raaciyay.

Casayr C/qaadir oo soo kacay isla markaana Salaan ay la boobeen Wasiir Duur, Cabdi Aw Daahir iyo Xildhibaan Waabeeye ayaa yidhi “Salaan Ka Bacdi Waad Arkayseenoo Wasiiradii Iyo Waftidii Xagaa Inagaga Yimid Waxaanu Isku Salaanay Salanta Shafka Aanu Isku Qabanay oo laabta is galinay. Marka u horaysa waxaan taa u soo qaatay Waxaa La Yidhaahdaa Al Ixtiraaful bil xaqul fadiila Hadii Layska Dalbado Cafiga Iyo Samaxaadana Aad Iyo Aad Baa Laysugu Leeyahay, Has Yeeshee Waxay Arintu Tahay in wali maanta ay noo danbayn doonto waxyaalo badani oo loo gole joog noqon doono” ayuu kaga jawaabay Codsigooda.

Isagoo hibanaya waxyaabo badan ooh ore u soo dhex maraya waxa uu yidhi “wasiiradu Cabdi Aw Daahir iyo saaxiibtinimo gaaraa naga dhaxaysay soo dhawayn fiican ilaa ingiriiskii ilaa meel walba hore loogu sameeyay, aad iyo aad baanu uga dhiidhinay oo ilaa UDUB ilaa meesheedii waa la ogaa, maalintii halkan aan soo galay ee aan labadayada gaadhi is waydaaranaynay iyagoo wasiiradu ka yimi madasha walaahay wasiir Duur baa gacan haadiyay, laakiin isagu Cabdi Aw Daahir walaahay ma garanayo waxa na dhex maray laakiin kaftanku wuu iska banaan yahaye waxaan jeclahay meel kale oo inoo gooniya oo salaadiin teena iyo siyaasiyiinteenu joogo in aynu dood badan wada galno” ayuu yidhi

Isagoo ka waramaya Imaanshihiisa oo ay Wasiiradda iyo Xukuumaddu sharaysteen waxa uu yidhi “Duur iyo iyaga laftooduna imaatinkaygan way sharaysteen, markaa anigu shar maan wadin, imikana anigu ma wado waxa inaga dhaxeeyaana waa dan taa guud ee beesha aynu doonaynno in meesha ku haboon in aynu gaadhsiino in aynu kawada shaqayno waan jeclahay wixii ay wax ku noqonayaana anagu kama xumin” ayuu raaciyay

Waxaanu Casayr C/qaadir hadalkiisa kaga baxay hadal uu Beesha Danteeda iyo ta Xukuumaddda sidii la isku waafajin lahaa “ Anigu sidaan u hayo Dawladdu Beesha Habaryoonis waxa ay ka doonayso way ka helaysaa, laakiin su’aashu waxa weeyi Habaryoonis ma ka helaysaa Dawladda waxa ay Doonayso?” ayuu kaga baxay.

Waaheen