Uncategorized

Xukuumadda oo golaha Wakiilada u gudbisay heshiiskii ay ku galeen wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee UK iyo Imaaraadka Carabta

Hargeysa 7, July 2012 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha Wakiilada Somaliland, ayaa mudaneyaasha loogu qaybiyay heshiisyadii ay Somaliland iyo Soomaaliya ay dhowaan ku gaadheen wada-hadaladoodii London iyo Dubai.

Fadhigan oo uu shirgudoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Cadde, waxa xildhibaanada ka xaadiray loogu qaybiyay lifaaqa uu ka kooban yahay heshiisyadii ay Somaliland iyo dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somalia ku wada gaadheen dalalka Ingiriiska iyo Isutagga Imaaraadka Carabta Carabta.

Lifaaqyada ka soo baxay labadaasi kulan ee ay wada yeesheen labada dal, ayaa ka dambeeyey soo jeedintii beesha caalamka ee Shirkii February ka dhacay London iyo kii Istanbul ee lagu go’aamiyey in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.
Kulankii labada dhinac ee ka dhacay 20-kii ilaa 21-kii June Caasimadda dalka Britain ee london waxuu ahaa mid heer farsamo, halka Kulankii kale ee 28 June ka qabsoomay dalka isu tagga Imaaraatka isla markaana ay ku wada kulmeen Madaxweynaha dawladda Ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland.
Mudaneyaasha Wakiiladu waxay falanqayn ka yeelan doonaan heshiiska ay Somaliland iyo TFG galeen.

Qurbejoog.com, Hargeysa