Malta July 08,2012(SDN)-Qaxooti Soomaali ah oo Doni kula xumaatay xeebaha Malta ayaa waxa soo badbaadiyay ciidamada dalkaasi oo sheegay in Soomaalidu mudo badda heehaabayeen.
Soomaalida oo kolkii ciidamada Malta gaadheen sheegtay in ay yihiin Qaxooti ayaa tiradooda lagu sheegay 84 ruux.
Dadkan ayaa isugu jira 51 raga iyo 32 Dumara iyo Inan yar oo caruura ah,waxaaney ka soo hayaameen dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Libiya.
Kumanaan Qaxooti Afrikan ah ayaa bilihii u danbeeyay ee Libiya ay qasneyd soo gaadhay xeebaha dalka Malta.
Soomaalida ka yaaceysa abaaraha,colaada iyo mustaqbal la’aanta ayaa waxa ay isku soo biimeeyaan xeebaha iyo saxaraha woqooyiga Africa si ay u soo gaadhaan Asia iyo Yurub si mustaqbal ka Soomaaliya yaal dhaama u helaan.
Intooda badanse waxa Aduun iyo nafba ay ku waayaan dhabaha qaxarka ah ee ay soo maraan rag dumar iyo caruurba.
SDN-Malta
contact@somalidiasporanews.com
