Hargeysa July 08,2012(SDN)-Qoxootiga ka soo hayaamay degaanadooda Konfurta Soomaaliya ee sal dhigtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyay guulaha ciidamad aAMISOM ay ka soo hoyeen dagaaladii ay Caasimada uga sifeeyeen kooxda Al Shabaab.
Yasin Axmed Cali oo ah madaxa barakacayaasha reer Konfurka ah ee ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in ay Barakacayaashu aad ugu faraxsan yihiin in inta badan degaanada caasimada ku teedsan laga sifeeyay Al Shabaab.
Yaasin waxa uu sheegay in wasaarada dib u dejinta Somaliland ay u sheegtay Barakacayaasha in gacan ay siindoonto hadii ay doonayaan in ay degaanadoodii dib ugu noqdaan.
Faadumo Cabdi oo hooyo 35 jira oo shan caruurana heysata ayaa ka deyrisay xaalada barakacayaasha Hargeysa ku sugan,bacdamaa aaney helin gacan qabad sidaa u buuran.
Faadumo waxa ay sheegtay in Barakacayaashu ay doonayaan in ay sababtaa awgeed u doonayaan in ay guryahoodii dib ugu noqdaan.
Xukuumada Somaliland ayaa wada qorsheyaal ay dadkan wax loogu qabanayo sida uu sheegay Agaasimaha Wasaarada dib u dejinta Somaliland Cali Maxamed Biikolo.
Wasaarada Dib u dejinta iyo UNHCR ayaa iska kaashanaya sidii Barakacayaasha adeegyada Caafimaadka,Waxbarashada iyo guriyeynta looga caawin lahaa.
Barakacayaasha Hargeysa ku sugan oo intooda badan yimi Hargeysa sanadii 2006dii ayaaay xukuumada Somaliland ay dejisay xaafada Maxamuud Mooge ee Konfurta Hargeysa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
