Muqdisho July 08,2012(SDN)-Qaxooti u dhashay Jariirada Zanzibar ee dalka Tanzania oo colaado dalkoodii ka soo barokiciyeen ayaa maanta duyuurad dalkoodii hooyo u qaaday,sida ay UNHCR sheegtay.
Qaxootigan oo u badan qowmiyada rchipelago ayaa jaziirada ka soo yaacay kolkii sanadii 2000 ay colaado halkaa ka dilaaceen.
Qaxootiga reer Tanzanii oo kolkoodii hore ayaa ilaa 2000 oo ruux ayaa waxa ay tegeen xerada dhadhaab ka dibna tiro ka mid ahi waxa ay u soo hayaameen Soomaaliya halka intoodii badneyd ay dalkoodii dib ugu noqdeen.
Dhawr iyo labaatan ka mid ah ayaase Muqdisho ku noolaa mudo toban sanadood ka badan,waxaaney caasimada ka degeen dhismeyaal ay hore u ahaa xafiisyo dawladeed.
Qaxootiga reer Zanzibaar ayaa mudadii ay Muqdisho ku noolaayeen waxa ay nolol maalmeedkooda ka soo saaran jireen timaha oo ay jaraan,beeraha oo ay falan iyo Kaluumeysi.
UNHCR oo dadkan dalkooda u daad gureyneysa ayaa sheegtay in ilaa 20 qoys ay dalbadeen in ay dib u noqdaan halkaa raga qaar guursaday haween Soomaaliyeed ay doorbideen in ay Soomaaliya ii joogaan,inta ay hubinayaan xaalada dalkooda.
Dadkan reer Tanzaniya ayaa caasimada ku noolaa mudadii amaanku ugu xumaa ee dagaalada ba’ani ay ka socdeen.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
