Uncategorized

Kenya oo Shirkado Shisheeye u Fasaxday Shidaal Badda Soomaaliya laga soo Saaro iyo DFKMG oo si jilicsan uga hadashay

Muqdisho July 08,2012(SDN)-Dawlada dalka Kiinya ayaa dhawr shirkadood heshiis kula gashay in shidaal ay ka baaran dhux badeedka Soomaaliya,dawlada KMG ahina waxa ay arrintaa ka bixisay jawaab jilicsan,sidaana waxa daabacday barta Internetka ee Reuters.

Kiinya ayaa shirkadaha Total iyo Ini waxa ay la gashay hesiis shidaal looga baadhayo guddaha xad badeedka Soomaaliya.

Ma aha markii u horeysay ee dawlada Kiinya ay hunguriyeyso baddaha Soomaaliya ee waxa jiray heshiis Soomaali fara badan ka cadheysiiyay oo uu hore qeyb badda Soomaaliya ka mida ugu sexeexay wasiirkii hore ee Iskaashiga Caalemiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta Cabdilaahi Dool oo Reuters u waramay ayaa sheegay in aaney raali ka aheyn in Kiinya shirkado heshiis shidaal baadhis ah dhulka Soomaaliya shirkado kula gasho.

“Aad ayaanu uga walaacsanahay heshiiska,koleeyna cabasho ayaanu sameyn doonaa”ayuu yidhi wasiir Dool.

Talaabadan Kiinya ay qaaday ee ay shidaalka uga baareyso Badda Soomaaliya ayaa hubaal ah in uu ka cadheysiin doono Soomaali faro badan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com