Muqdisho July o8,2012(SDN)-Sarkaal reer Jabuuti ah oo ka tirsan ciidamada dalkaasi u soo diray Soomaaliya ee ka mid ka ah kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay xilka afhayeenimada ciidamada Afrika ee AMISOM.
Sarkaalkan oo magaciisa la yidhaahdo Col Cali Aadan Xaamud ayaa xilkaa kala wareegaya Col Paddy Akunda oo reer Yugaandho ah.
Afhayeenka cusub ee ciidamada AMISOM ayaa xilka kula wareegay xaflad maanta loogu sameeyay xarunta ciidamadaas oo ku taal xaruntooda Xalene ee magaalada Muqdisho.
Col Cali Aadan Xaamud oo saxaafada la hadalay kolkii uu xilka la wareegay ayaa ka waramay sida uu ugu faraxsan yahay xilka cusub ee loo igmaday.
“Aad ayaan ugu qanacsanahay hawshan la ii igmaday,waxaanan afsoomaali idiinku soo guddbin doonaa hawgallada ciidamada aniga oo Soomaali idiinku siin doona warbixinada”ayuu yidhi afhayeenka cusub ee AMISOM.
Waxa isaguna hadalkaa hadalo hanbalyo iyo dhiirigelin isugu jira goobta ka jeediyay afhayeenkii hore ee AMISOM Col Paddy Akundha oo sheegay in uu soo dhaweynayo sarkalaaka xilka kala wareegaya.
Ciidamada AMISOM ayaa bilihii u danbeeyay kooxda Shabaabka dagaalo ay la galeen uga saaray degaano fara badan oo caasimaduna ay ka mid tahay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
