Hargeysa July 08,2012(SDN)-Dalada ururada aan dawlga aheys ee Somaliland SONSAF ayaa baaq ay soo saaratay baaq ugu jeedisay reer Somaliland iyo beesha caalamka in ay gurmad la gaaraan degaanada abaaruhu tabaaleeyeen ee Somaliland.
Baaqa oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaadhay ayaa u qoraa sidan;
“Isku xidhka Ururadda aan Dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay beesha caalamka iyo Somaliland ugu baaqaysaa in Gurmad deg deg ah lala gaadho Dadka Abaaruhu saameeyeen. SONSAF waxa kale oo ay soo jeedinaysaa in mudada dheer laga yeesho qorshe lagaga hortago Abaaraha soo noq-noqanaya.
Kulan ay maanta Xarunta SONSAF ku yeesheen Ururadda aan dawliga ahayn ah ee Somaliland ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaareed ee haysata deegaamo ka mid ah Somaliland.
Kulankaasi kadib ayay Ururadda Bulshada Rayidka ahi ka soo saareen baaq ay Beesha Caalamka, Xukuumadda Somaliland iyo Dadweynahaba ay kaga codsanayaan sidii taageero deg deg dadkaasi loogu fidin lahaa, iyagoo sheegay in xaalad Gurmad u baahani meelaha qaarkood ka jirto.
SONSAF waxa kale oo ay ugu baaqday Culimadda Reer Somaliland inay wacyigalin iyo barnaamijyo Diini ah oo dadweynaha lagu baraarujinayo sidii ay u taakulayn lahaayeen dadka baahin ay ka jeediyaan Masaajidada maadaama oo ay Culimaddu qayb muhiim ah kaga jirto bulshada.
Isla kulanka maanta waxa ay SONSAF baaqooda ka sokow bilaabeen qaadhaan ay dhexdooda ku yabooheen si ay tusaale ugu noqdaan qaybaha kale ee Bulshada oo ay ka codsadeen in qof kastaa kaalintiisa ka qaato.
Waxa kale oo ay Xukuumadda iyo dadka muxsiniinta ah ee u huray Maalkooda sidii ay walaalahood wax ugu qaban lahaayeen ka codsadeen inaanay Deeqdooda meel kaliya ku ururin ee ay ku baahiyaan deegaanada kale ee jira ama meelaha ugu sii liita.
Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in dhamaan waxtarka ku saabsan abaaraha ee ka imanaaya bulshada Somaliland, Beesha Caalamka, Xukuumada Somaliland la isku xidhi (coordinated) si aanay u dhicin in ay khasaarto ama aanay wada gaadhan dadkii u baahnaa ( duplication). Tell: 00252 2 4414335/4122383 Fixed line: 00252-2-570536 Email:Sonsafed@gmail.com, info@sonsaf.org Web: www.sonsaf.org
Ugu Danbayn, Ururadda aan Dawliga ahayni waxa ay baaqoogaasi ku muujiyeen in qorshe cad laga yeesho sidii looga hortagi lahaa soo noq-noqoshada Abaaraha oo ay sheegeen in ay inta badan ku timaado iyada oo aan laga lahayn qorshe lagaga gaashaaman karo Abaaraha.
Waxa taageeray Dhamaan Ururada aan Dawliga ahayn.
Adam Xaaji Cali Axmed
Gudoomiyaha SONSAF
