Uncategorized

Hargeysa: Munaasibad Qaadhaan loogu ururinayo dib-u-dhiska Biriijka degmada Maxamed Mooge oo maanta lagu qabtay xarunta degmadaas

Hargeysa 13, July 2012 (SDN)- Guddiga degmada Maxamed Mooge iyo dadwaynaha xaafadaas, ayaa maanta ku qabtay xarunta degmada Maxamed Mooge xaflad qaadhaan loogu ururinayay dib-u-dhiska biriijka mara degmadaas.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dib u dhiska biriijka maxamed mooge iyo gudiga degmada ee xaafadaasi waxa kazoo qayb galay dadwayne aaad u tiro badan iyo xubno kala duwan

Ugu horeyntiina hadal uu halkaasi ka jeediyey Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Ismaciil Timo-yuluq, ayaa ka waramay faa iidada ay leedahay sadaqa jaariya oo ah mid qofka u sii soconaysa. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga dib u dhiska biriishka maxamed mooge Caaqil Xasan Ibraahin Xuseen oo sheegay in fikirka biriishkan ay lahaayeen  dumarka degen xaafadaasi , waxaanu intaas ku daray in biriishkan dhibaato badan uu ku hayo xaafada oo uu galaaftay ugu yaraan ilaa shan qof, gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dadwayaha xaafadu in ay ka qayb  qaataan .

Ugu damabayntiina waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Maxamed Mooge Mr. Maxamed Cabdilaahi, waxaanu ugu baaqay hayedaha Islaamiga ah, ganacsatada, shirkadaha iyo jaaliyada degmadaasiba in ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska biriijkan dhibaatada ku haya isku socodka bulshada isagoo intaasi ku daray in biriishkan dib u dhiskiisa ay soo qiimeeyeen gudi madax banaan oo loo xilsaaray.

Qurbejoog.com, Hargeysa