Hargeysa 13, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta kula tukaday qaar ka mid ah Shacbiga ku nool caasimada hargaysa salaadii jimce Masjidka 26 Juun.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa wehelinayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , Wasiiradda Madaxtooyadda iyo xubno kale ayaa ka hor salaadda Jimcaha waxa ay soo indho-indheeyeen caasimadda iyaga oo socdaalo kedis ah ku tagay wadada loo maro hoteel Maansoor.
Madaxweynaha oo aanay la socon wax ilaalo marka laga yimaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada waxay shacabka kula tukadeen Masaajidka xaafadda 26-Ka June.


Markii uu soo dhamaystay Madaxweynuhu socdaalkiisan kediska kadib waxa uu dib ugu laabtay Qasriga Madaxtooyadda.
Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu socdaal kedis ah uu ku soo maro qaybo ka mid ah caasimada dalka ee Hargaysa.
Qurbejoog.com, Hargeysa
