Niarobi July 13,2012(SDN)-Siyaasiga reer Galmudug ee Cabdishugri Xaaji Cali Xirsi ayaa maanta soo saaray war saxaafada uu ugu talo galay oo uu uga hadlayo Musharaxnimadiisa xilka madaxweynenimada Galmudug iyo xaalada guud ee maamul goboleedkaas.
War murtiyeedka ayaa sidan u qoraa kiyoo dhamestiran;
KU: DHAMAAN MASUULIYIINTA IYO BULSHADA GALMUDUG
Assalaam Caleykum Wa Raxmatullah Wa Barakaatuhu
UJEEDO: MUSHARAXTINIMADA MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Waxaa waayahaan soo badanaya musharaxiinta isku soo sharaxeysa madaxtinimada Maamulka Galmudug. Ilaa markii maamulkaan Dawlada Galmudug uu madaxda ka yahay Madaxweyne Caalin la dhisay ilaa waqtigaan la joogo, Maamulkaan kama bixin dhib, Isqabqabsi,Mooshin iyo lugooyo loo geysanayo.
Waxaana shidadaas had iyo jeeraale dabada ka riixaayo rag Siyaasiin iyo masuuliyiin sheeganaya oo markasta fowdo iyo afgembi ku wada Maamulka Sare ee Galmudug oo raba in ay si dadban talada Maamulka Galmudug kula wareegaan.
Waxaan baaq u diraya raggaas ku can baxay fowdada iyo shidada in ay ka waan toobaan falalka guracan ay mar kasta kula kacayaan Maamulka sare ee Galmudug, oo ay bedelkeeda u istaagan sidii ay Maamulkaan Galmudug kala shaqeeyaan Hormarkeeda,Midnimadeeda, balaarinteeda iyo Badbaadinteeda. Ku simaha Madaxweynaha macanaheeda ma ahan waa Madaxweyne.
Ma ahan in uu go’aan aan Madaxweynaha la ogeyn qaadan karo ama wax magacaabi karo. Sidaas daraadeed sharciga ma waafaqsan magacaabisti uu Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug uu ku magacaabay gudiga dooroshooyinka Galmudug iyada uu san la socodsiin ama latashan Madaxweynihiisa. Gudoomiyihi hore ee Barlamaanka Galmudug Mudane Xassan Maxamud Heyl awood sharci ah uma haysto in uu kala diro Barlamaanka Galmudug.
Awood dikreeto Madaxweyne ah ayaa Barlamaanka lagu kala dir karaa. Haddi isaga iscasilay, waa shaqsi iscasilay oo tegey, markaas waxaa Barlaamanka Galmudug waajib ku ah in ay doortaan Gudoomiye Baarlamaan oo cusub hawshoodana ay sii wataan.
Waxaan mar labaad iyo mar sedexaad ku celinaya in aan waafaq sanahay warkii ka soo baxay Madaxweyne Caalin, Gudoomiye Ku xigeenki Galmudug Mudane Cawke Sh Cabdiraxman iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Abshir Diini oo ay sheegeen in ay waqtiga Maamulka Galmudug uu ku eg yahay Bisha Labaad ee 2013ka.
Marka waxaan hadana baaq nabadeed u diraya Masuuliyiinta Musharaxiinta isku soo taagtay in ay u tartamaan doorashada Madaxtinimada Galmudug in ay sugaan waqtiga yar ee ka harsan Maamulka Galmudug, Nidaamka iyo sharcigana Galmudug ay dhowraan.
Haddi ay qasab iyo fowda tahay in ay dhacayso bisha sideedaad doorashada Madaxtinimada Galmudug , waxaan halkaan ka cadeeynaya in aan diyaar la ahay dhaqaalahayga, aqoonteyda, xiriirkeyga caalami iyo kartideyba oo aan la shir tago degaanka Galmudug si aan uga qeybqaato una tartamo si aan Madaxtinimada Maamulka Galmudug u qaban laha, cidey u daran tahay hala arkee.
Wa Billaahi Towfiiq.
Cabdishukri Xaaji Cali Xirsi
