Uncategorized

Gollaha Murtimaal oo Canbaareeyay Xadhiga Abwaan Heybe Faarax

Hargeysa July 13,2012(SDN)-War saxaafada loogu talo galay oo uu na soo gaadhsiiyay golaha Murti maal ayaa lagu canbaareeyay xadhigaay xukuumada Somaliland u  geystay Abwaan Haybe Faarax, qoraalaaksina waxa uu u dhignaa sidan;

Golaha dhaqanka iyo dhalinyarada Somaliland Murtimaal waxuu si weyn u cambaareynayaa Xukunka xaq darada ah ee lagu riday Abwaan Haybe Faarax,Kaasoo xukunkaasi ku galabsaday Tix suugaaneed kana Turjumaysay Dareenkiisa iyo aragtidiisa, Taasoo ah mid uu xaq u leeyahay Dastuurkeenuna aad u ilaaliyo Xuquuqda Xoriyatul Qawlka.

Waxa wax lala yaabo ah in xukuumada maanta oo kusoo hal maashay adeegsiga xoriyatul qawlka Xiligoodii mucaaridnimo isla markaana ku ololeyn jiray inay u dhowrayaan Xoriyatul qawlka si ka fiican tii Rayaale ooy qoonsimaad badan ka sheegi jireen.

Waxaynu ka dheregsanahay in amaan jacaylka iyo Cabudhinta Xoriyatul qawlku Tahay Astaamo ka mida hab dhaqanada uu leeyahay maamulka Keli-talisnimo,Waana wax laga yax-yaxo  in xukuumad kusoo baxday cod shacab isla markaana Xoriyatul qawlka iyo suugaantu ahaayeen kuwo Door weyn ku leh Guusha xisbiga kulmiye ay maanta Talaabooyinkaa ku dhaqaaqdo waxayna u galaysaa Taariikhda xukunka Siilaanyo Xadhiga lagula kaco abwaanada.

Sawtay Caadadaadiyo
Camalkaaga ahayd
Goormey kula Cuslaatooy
Ceebtaada noqotay

Hadaba Ururka murtimaal isagoo ka warqaba Xaalada dalka ee cabudhinta Xoriyatul qawlka ayna jiraan hal-door badan oo arinkaasi u xidhan ,waxuu si gaara uga xunyahay Xadhiga iyo handidaadaha lagula kaco suugaanyahanada ooynu ognahay inay hadiyo jeer ka turjumaan dareenka bulsho.

Waxaanu ururka murtimaal balan qaadayaa inaanu ka hadhayn Xadhiga Xagdarada ah ee lagula kacay abwaan haybe faarax ilaa inta xoriyadiisa loosoo Celinayo,Waxaanu Ururku balan qaadaya inuu Bilaabayo Olole Suugaan lagu dhiirigelinayo xoriyatul qawlka lagagana soo horjeedo Xadhiga iyo hadidaadaha lagu kaco suugaanyahanada  iyadoo ururka murtimaal yahay mid ka turjuma Dhamaan bahda dhaqanka iyo suugaanta ee Somaliland

Agaasimaha Ururka Murtimaal
C/qaadir cabdi xasan “Raam”
Hargeisa, Somaliland
editor@murtimaal.com
WWW.MURTIMAAL.COM