Uncategorized

Wasiir Xoosh:dawlada iyo madax dhaqameedyadu waxa ay isla qaateen in Dastuurka la meel mariyo

Muqdisho July 16,2012(SDN)-Dawlada KMGah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madax dhaqameedka Soomaaliya iyo dawladu ay isla qaateen in la ansixiyo Dastuurka dalka si markaa loogu gudbo soo xulida xildhbaanada Baarmaanka.

Waxa sidaa saxaafada u sheegay wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo saxaafada kula hadlay Muqdisho.

Madax dhaqameedka Soomaalida ee ku kulansanaa Muqdisho ayaa qaadacay ansixinta Dastuurka horaantii bishan ka dib qodobo dhawr ah ooDastuurka ku jira ay ka biyo diideen.

Odey dhaqameedyada ayaa qaadacay qodobada ay ka midka yihiin in Haweenku isu sharixi karaan madaxweyne iyo in aan la cadeyn in Muqdisho tahay caasimada dalka.

Madaxdhaqameedka ayaa lagu wadaa in ay soo doortaan xildhibaanada Baarlamaanka oo iyana dooran doona Madaxweynaha dalka bisha August ee ina soo aadan.

Habkan oo la doonayo in lagu dhiso dawlad rasmi ah ayaa waxa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay.

 

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com