Uncategorized

BAAQ FURAN OO KA SOO BAXEY BEESHA TUNNI 5 GAMAAS IYO BARAAWE

KU DHAMAAN DHAQANKA SOMALIYED MEEL KASTA OO AY JOOGAAN.

KU GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA EE DHAQAMADA SOMALIA.

KU SAXIIXEYAASHA GEEDI SOCODKA SOMALIA (ROAD MAP)

OG WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA TFG

OG WAKIILKA QARAMADA MIDOWDEY DR MAHIGA

 

Kulan deg deg ah oo ay isugu Odeyaasha Dhaqanka , Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada, Culama’uddiinka, Haweenka iyo Dhallin yarada Beesha Tunni Shan Gamaas waxey si qoto dheer u falanqeeyeen ugana doodeen halka ay mareyso Dacwaddii Beesha u gudbisey Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Xafiisyada TFGda , Xafiiska unpos ee Somalia kuna saabsanaa ku Xad-gudubkii uu SHARIIF XASSAN ku sameeyey Suldaankii soo jireenka ahaa ee Beesha Tunni SULDAAN FAQI SAYID FAQI oo uu qori caaraddiisa uga saarey Gogoshii Shrika , kuna beddeley JALLE XAYDAR SUFI MUNYE waa sida ku qoran Warqadda uu SHARIIF XASSAN ugu aqoonsade ninkaas inuu mathalo Beesha TUNNI si uu uga fushado danahiisa gaar ahaaneed,

 

Dood dheer iyo wada tashiyo badan ka dib BEESHA WAXEY SOO SAARTEY BAAQANI:

 

  1. In Dhaqanka Xalaasha ah ee Somalia , kuna shirsan Muqdisho iney arrintaan ka gaaraan go’aan ku saleysan Cadaaladda kasoo geli doono Taariikhda Somalia.
  2. In SALDANADA BEESHA TUNNI oo soo jireenka ahayd aan meel looga dhicin iyadoo laga xishoonaayo Niman ka mid ah TFGda iyo Saxiixeyaasha oo doonaaya iney dantooda ku gaaran Cadaalad Darro iyo Xaqiraadka loo adeegsadey ku Xadgudub awooda Xafiiseed ee Dawladnimo.
  3. In Dhaqanka Digil & Mirifle oo hadda ku suagan Madasha ay yihiin kuwo u afduuban SHARIIF XASSAN oo kula soo heshiiyey iney amarkiisa keliya qaataan, taasoo ay si buuxda ugu caddeyeen SHIRKII ISTANBUL EE TURKIGA ka kid markii ay ka baxeen Shirka sabab la xiriirta Naanees ka soo yeertey Marwad Somaliyed.
  4. In Xafiiska UNPOS uu arrintaan il gaar ah ku fiiriyo, haddii ay lagama maarmaan noqotana uu u xilsaaro GUDDI KHUBARO AH oo ku xeel dheer Taariikhda Saladanadaha Somaliyed , gaar ahaan tan TUNNI SHAN GAMAAS si looga hortago awood sheegashada SHARIIF XASSAN iyo Kooxdiisa , loona helo caddaalad iyo Go’aan ay somalida oo dhan raalli ka noqon karta.
  5. Beesha iyadoo ah tii ay ka soo jeedeen Halyeyadii SYL sida Cabdulqaadir SH Sakhawaddiin iyo Maxamed Cusman Baarbe , kuna abtirsata Halgankii Gobanimo doonka iyo kan Diintaba sida Sheikh Aweis Al Qaadiriya , waxey aamin santahay in Dawladnimo ku imaan Karin DULMI IYO CADAALAD DARRO OO LA TAAGEERO.

 

MAHADSANIDIIN.