Uncategorized

Al Shabaab oo rag melishaadkooda ka tirsan ku helay basaasnimo ka dibna toogtay

Muqdisho July 23,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in sadex ka mid ah meliishaadkooda ay toogasho ku dileen ka dib kolkii ay ku cadaatay in ay u basaasayeen ciidamada “cadawga”.

Al Shabaab ayaa dhawaan waxa laga laayay rag ajaanib ah oo Soomaaliya u soo jihaad tegay oo uu ugu danbeeyay nin la yidhaahdo Bilal el Berjawi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Lebanon balse heystay dhalasho British ah.

Ninkaa ayaa lagu dilay gaantaal laga soo riday mid ka mida duyuuradaha aaney cidi wadin ee Mareykanka kiyoo ku sugan duleedka magaalada Muqdisho.

Sadexda Meliisho ee Shababku toogteen ayaa lgu eedeeyay in ay ka danbeeyay dilka loo geystay qaar ka mida ajaanibka ka dib kolkii ay hageen gantaalada lagu dilay.

“Waxaanu xukun dil ah ku fulinay basasiin CIAda u shaqeeya oo ka danbeeyay dilal loo geystay walaaleheen”sidaa waxa saxaafada u sheegay mada Shabaahka ee Shabeelada Hoose Sheekh Maxamuud abu Cabdulaahi.

“Isaaq Cusman Xasan iyo Yaasiin Cusman Axmed  waxa ay gaadhiga Bilal el Berjawi ku nabeen aalad ka dibna waxa gantaal ku dhuftay cadawaga”ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Sheekh Maxamed ayaa sidoo kale ragan ku eedeeyay in ay u  basaasayeen sirdoonka Mareykanka halka degaal yahan kale oo Shabaabka ka tirsan isna loo dilay ka dib kolkii ay isna ku cadaatay in uu u basaasayay sirdoonka Britain.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com