Xaradheere Sept 02,2012(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah oo la heyste u dhashay dalka Syriaku kalena dhaawacay ayaa ku hanjebay in ay leyn doonaan maxaabiista ay haatan hayaan ay leyn doonaan hadaan madaxfurashada lala soo gaarin.
Markabaka la heysto oo la yidhaahdo Mv Orna oo sita calnka dalka Panama oo markanaa ay leedahay shirkad Imaraadka degan ayaa 2012kii kaga qabsaday xeebta Seychelles.
Madaxa Burcada heysata markabka Xasan Cabdi ayaa maanta mar uu saxaafaa la hadlay waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababta ay u dileen la heystaha reer Syria.
“Waxaan u dilay ruuxaasi mid kalena aanu u dhaawacnay in aanu milkiileyasha markabka fariin u dirnosi ay degdeg ugu bixiyaan madaxfurashada,hadii sidaa la sameyn waayo waxaanu balan qaadeynaa in aanu dili doono shaqaalaha markabka hadii lacag nala siin waayo.
Bishii May ayay burcada iyo shaqaaluhuba isaga dhaadheceen markabka ka dib kolkii uu dabqabsaday dab.
Shaqaalaha Markabka ayaa lagu hayaa magaalada Xaradheere oo ah xarun burcada Soomaalida ee ka qawlwysata badaha geeska Africa.
Shirkada markabka leh iyo ehelka ninkan la dilay ayaan ila iyo haatan aan ka hadal dilka iyo dalabka burcada heysata markabka.
SDN-Xaradheere
contact@somalidiasporanews.com
