Hargeysa 01, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta gaadhay magaalada Addis Ababa, si uu uga qaybgalo aaska Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weftigiisa ka mid yihiin; Wasiirada Khaarajiga Maxamed Cabdullaahi Cumar, Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan iyo marwadiisa Aamina-weris Sheekh Maxamuud Jirde, waxay Axadda beri Addis Ababa kaga qaybgalayaan aaska hoggaamiyihii geeriyooday ee Itoobiya oo dhowaan ku geeriyooday dalka Belgium.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka dhoofay madaarka caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay inay magaalada Addis Ababa kaga qaybgalayaan aas loo samaynayo Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, ka dib markii ka qaybgalka aaskaas lagu martiqaaday.
Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah goleyaasha qaranka, waxaana qaaday diyaarad yar oo gaar ah.
Qurbejoog.com, Hargeysa
