Uncategorized

Cabdiweli Gaas oo ka tanaasulay wareega labaad: “Soomaaliya waxay u baahan tahay isbedel cusub iyo hoggaamin cusub”

Muqdisho 10, Sept 2012 (SDN)- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ku jiray kaalmaha saddexaad iyo afraad ee afarta murashax ee soo gudbay, ayaa ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen wareega labaad ee doorashada, waxayna ku doodeen in loo baahan yahay isbedel cusub. Hadda waxa isku hadhay labada Murashax ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu ku dhawaaqay in loo gudbay wareega saddexaad, ayna ku loolamayaan labada murashax.

Siday u muuqato, waxa halis ku jira suurtogalnimada in Sheekh Shariif oo la doortay 2009 uu markale ku guulaysto hoggaaminta Soomaaliya, iyadoo murashaxiinta tanaasulayna loo badinayo inay gacan-saar la leeyihiin murashax Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo loo arko inuu hantiyo hoggaaminta cusub.

La soco doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Qurbejoog.com, Muqdisho