Muqdisho 10, September 2012 (SDN)- Waxa goor dhawayd la soo gunaanaday tirinka codadka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo ka dhacaysa xarunta dugsiga Booliska ee caasimadda Soomaaliya oo xarun u ah Baarlamaanka cusub.
Siday guddiga doorashadu shaaciyeen, waxa wareega 2aad u soo gudbay afar murashax oo ugu codad badnaa, iyadoo xilligana ay socoto kala-jiidashada xubnaha Baarlamaanka, laga sugayo in la bilaabo wareega labaad ee codbixinta oo ay isugu soo hadheen;
Shariif Sheekh Axmed 64 cod,
Xasan Sheekh Maxamuud 60 cod,
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 32 cod,
Cabdiqaadir Cosoble Cali 28 cod.
La soco
