Uncategorized

Duyuuradaha Kiinya oo duqeeyay ciidamada Raaskaanboni

Afmadoow Sept 04,2012(SDN)-Ciidamada cirka ee dalka Kiinyaa ayaa weeraro ay qaadeen waxa ay ku bartilmaansadeen meliishaadka dawlada xiriirka la leh ee Raaskaanboni sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya.

Weerarkan oo ka dhacay aaga hore ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu kula dagaalamaayaan meliishaadka Al Shabaab.

Weerarkan ay qaadeen ciidamada cirka ee dalka Kiinya ayaa sida ilo wareedyadu sheegeen waxa ku dhintay tiro ciidama ah oo Raaskaanboni u badan balse ay ku jiraan kuwo u dhashay Kiinya.

Ciidamada Kiinya oo ka mid ah kuwa midawga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay mudo guluf ugu jireen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismayo.

Dawladaha Kiinya iyo ta KMG ah ayaan ka hadal dhacdandan u danbeysay ee ciidamada isku dhafani ay ku geeriyoodeen.

Cidamadan isbaheysiga ah ayaa haatan kaabiga u saaran in ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo oo mudo ay ka ariminayeen kooxda Al Shabaab.

SDN-Afmadow

contact@somalidiasporanews.com