Uncategorized

Somaliland oo loogu baaqay inay ka laabato Mastaafurinta Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka ay Itoobiya dib ugu celinayso

Nairobi 04, September 2012 (SDN)- Hay’adda Xuquuqal-insaanka u dooda ee Human Rights Watch, ayaa masuuliyiinta Somaliland ugu baaqday inay si degdeg ah u joojiyaan qaxoonti iyo magangelyo-doon Itoobiyaan ah oo ay dib ugu celinayso dalkooda.

Sida lagu sheegay qoraal dheer oo hay’addu maanta ka soosaartay xafiiskooda Nairobi, 31-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee August oo ku beegan todobaadkii hore, waxa koox Itoobiyaan ah, una badan dumar iyo carruur lagu khasbay inay ku noqdaan Itoobiya.

Human Rights Watch waxay sheegtay in taasi meel-ka-dhac ku tahay Shuruucda caalamiga ah mamnuucaysa in dad loo diro meel laga yaabo inay ku waajahaan xukun ama waxyaabo khatar ku ah noloshooda.

Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Somaliland mastaafurisay dad xidhan oo Itoobiyaan ah, ka dib markii siday hay’addu sheegtay Boolisku 30-kii iyo 31-kii bisha weerareen goob aan rasmi ahayn oo ay degenaayeen, loona yaqaano xarunta Daryeelka Bulshada oo ku taala magaalada Hargeysa, halkaasoo ay boqolaal magangelyo-doon iyo soo-gelooti Itoobiyaan ahi ay ugu yaraan sannad ku noolaayeen.

HRW urges Somaliland to stop deportations of Ethiopians.

Human Rights Watch oo soo xiganaysa dad goobjoogeyaal ah, waxay sheegtay in ilaa 100 qof oo dadkaas ka mid ah xuduudka labada dal laga talaabiyay.

Dabayaaqadii December 2011, Somaliland (xukuumaddu) waxay isku dayday inay khasab ku celiso 20 qof oo magangelyo raadis iyo qaxoonti isugu jira, ayna xidho xaruntaa Daryeelka Bulshada. “Qabashada iyo mastaafurinta magangelyo-doonku maaha jid lagu dhawrayo dadka nugul ee raadinaya inay Somaliland ilaaliso,” ayuu yidhi Leslie Lefkow oo ah kuxigeenka Agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Afrika.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta Somaliland looga baahan yahay inay xaqiijiyaan in Itoobiyaanka magangelyo-doonka ah la diiwaangeliyay, lana siiyo ilaalinta iyo caawinta ay xaqa u leeyihiin.

Hay’addu waxay walaac ka muujisay talaabada laguma dhaqmay dadkaas, waxayna sheegtay in subaxnimadii 30-kii August ay mulkiileyaasha dhulka ku hareeraysan goobta (Social Welfare Centre) ay u sheegeen Itoobiyaanka goobtaas ku nooli inay ka guuraan.

Laakiin, waxay sheegtay in markii ay diideen uu isku-horimaad ka dhex qarxay, isla markaana uu ciidan Boolis ahi goobtaas tegay. Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in rasaas ay Boolisku rideen ay ku dhaawacmeen lix qof oo Itoobiyaan ahi, kaasoo midkood lugta ay ka toogteen, iyadoo rabshadaasi sidoo kale dhalisay dhaawaca afar sarkaal oo Booliska ka tirsan.

Hay’addu waxa kale oo ay sheegtay in Boolisku xidheen 56 qof oo ay ku jireen badi inta dhaawacantay, kuna kala xidheen saldhigyo kala duwan oo ku yaala Hargeysa.

Haddaba, halkan ka akhri warbixinta HRW soosaartay http://www.hrw.org/news/2012/09/04/somaliland-stop-deporting-ethiopian-refugees

Qurbejoog.com, Nairobi

editor@somalidiasporanews.com