New York Sept 08,2012(SDN)-Waxa magaalada New York ee ah xarunta ganacsi ee dalka Mareykanka maanta laga dareemay duufaano ruxay xaafad la yidhaahdo Breezy Point,sidoo kale waxa guud ahaan gobolka laga dareemay daruuro cirka isku taxay.
Magaalada ayaa waxa laga dareemay jewi ka bedelen kii looga bartay,oo daruuraha iyo roobabka ayaa waxa weheliyay danab iyo dabeylo xawli ku socda.
Xaafadaha Queens iyo Brooklyn ayaa laga dareemay duufaano la filayay oo dadku u diyaargaroobay,mase aaney noqon qaar geysta khasaare sidaa u sii balaaran.
Duufaanada ayaan geysan khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawacba leh,balse duufanada ayaa burburiyay aqalo isla markaana xididada u saaray dhir.
Cimiladan khariban ee maanta ku habsatay New York xaafadaheeda kala duwan ayaa sidoo kale biyo ay wadatay waxa ay dumiday aqalo dhawr ah.
Bishii July ee ina dhaaftay ayay dufaano noocan oo kale ahi ku dhufteen New York,xiligaa waxa ku dhintay sadex ruux halka burbur balaadhani uu soo gaadhay hanti kala duwan.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com
