London Sept 09,2012(SDN)-Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka UK iyo Mareykanka ayaa hore u dhexgala Bulshada isla markaana ka bedbaada cudurka Dhimirka kolka ay helaan gacan qabad dhanka Shaqada ah marka ay dalalkaa gaaraan,sidaa waxa lagu xusay warbixin ay daabacday jaamacadaQueen Marey University xarunteeda London.
Warbixintan oo lagu baahiyay jariirada BioMed Central Puplic Health today ayaa waxa diirada lagu saaray Soomaalida ku kala nool magaalooyinka London iyo Minneapolis.
Daraasadu waxa ay baaritaan ku sameysay Soomaalida labada magaalo ku nool iyo sida ay shaqo la’aantu noloshooda u saameysay.
Waxa soo Baxday in Soomaalida London ku nooli ay lix jeer ka badsadeen cudurka Walbahaarka isla markaana afar goor ka badsadeen xanuunka maskaxda Soomaalida ku nool Minneapolis.
Daraasada ayaa eegtay 189 ruux oo 47 ka mid ahi ay noloshooda soo martay barkac iyo qaxootinimo,haseyeeshee boqolkiiba 90 Soomaalida London waa bilaa camal halka Minneapolis ay Soomaalidu boqolkiiba 26 bilaa camal yihiin.
Soomaalida ku nool Minneapolis ayaa boqolkiiba 98 waxa ay heystaan golasho qaxootinimo halka London Soomaalidu loo aqoonsaday uun boqolkiiba 26.
“Waxa inoo soo baxday in Soomaalida daraasada ka qeybqaadatay ee ku nool London in dalabyadooda sharci ay u badan yihiin qaar maxkamadaha weli horyaal ayna uga nugul yihiin cudurada maskaxda Soomaalida Minneapolis aanu ku darisnay”sidaa waxa yiri Dr Naasir Warfaa oo wax ka dhigaCarunta culuunta Maxkaxda ee Wolfson Institude of Preventive Medicine,Barts and The London School of Medicine & Dentistry iyo Queen Mary, University of London.
“Waanu ognahay in shaqaaleyntu ay tahay ka hortag caafimaad xumo dhanka maskaxda ah ,khaasatan soogelootiga,haatan Minneapolis qaxootiga gacan qabad ayaa loo fidiyaa kolka ay halkaa gaaraan si ay u shaqeystaan,balse London qaxootiga looma ogolaado in ay shaqeynstaan ilaa loo ogolaado in ay dalka Joogi karaan,taas oo is hortaageysa dad haybed leh oo doonaya in ay shaqeystaan,is hortaaguna waxa uu halis ku noqonayaa caafimaadka bushadaasi” sidaa waxa yirivProfessor Kamaldeep Bhui oo ka dhiga Epidemiology and Cultural Psychiatry at the Centre for Psychiatry.
Daraasada ayaa sidoo kale muujisay in Dumarku ay Raga ku caafimaad dhaamaan magaalooyinka daraasada lagu sameeyay.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
