Muqdisho Sept 09.2012(SDN)-Waxa maalmihii u danbeeyay Muqdisho ka socday ololaha doorashooyinka Madaxweyne ee dalka Soomaaliya oo ay isku soo sharexeen 25 xubnood oo ka mid ah ashqaasta ugu hadal heynta badan siyaasada Soomaaliya.
Musharixiinta xilka madaxweynaha u taagan waxa ka mid ah Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo xil wasiirnimo ka soo qabtay dawladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.
Musharaxa oo khudbad dheer oo uu ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ee berito lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku muteystay naaneysta ah”Oomaar soo lugo’ay”.
Musharaxa ayay khudbadisu adkeyd in la fahmo,waxaaney u muuqatay in aaney doorashadiisa ku taxaluqin.
Magacan ayuu musharuxu ku muteystay hanka madhan ee uu kala siman yahay siyaasiyiinta dayrada ka ah Somaliland ee uu baarlamaanka Soomaaliya la hortagay iyo kala firirsanaantii fikradihii uu halkaa ku soo bandhigay.
Md Oomaar ayaa si kedis ah uga dhexmuuqday xukuumadii u horeysay ee Shariif Sheekh Axmed kiyoo maalmo ka horna magaalada Hargeysa ku sugnaa kana mid ahaa xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaalida ayaaney cadeyn waxa ku kelifay isa soo bandhigida nuucana.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
