Uncategorized

Jebhada ONLF oo shaacisay in ay wadahadalo la furtay Dawlada Itoobiya

Nairobi Sept 09,2012(SDN)-Dawlada Itoobiya iyo jebhada ONLF ayaa kulmay si ay meel isula dhigaan qodobo looga wada hadlo sidii loo soo afmeeri lahaa dagaalka 28ka sanadood labada dhan u dhexeeya.

Dawlada Itoobiya iyo ONLF ayaa labadaba shaaciyay in ay labadii maalmood ee u danbeeyay waxa ay ku kulmeen magaalada Nairobi oo ay ku wadahadleen.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Bereket Simon ayaa wadahadalada ugu yeeray “Tilaabo dhanka haboon loo qaaday”.

Wadahdaladan oo horu dhac ahaa ayaan la shaacin waxa ka soo baxay,sidoo kale lama sheegin xiliga la gudo geli doono wadahadalada dhabta ah.

Jebhada ONLF ayaa hore ugu eedeysay dawlada Itoobiya in ay degaanka Soomaalida xadgudubyo ka dhan ah biniaadamnimada.

Halka dawlada Itoobiya ay hore ugu shaabadeysay jebhada ONLF in ay ka md thay argegixsada caalmka.

Wadahadalada dawlada Itoobiya iyo Jebhada ONLAF ayaa ku soo beegmay maalmo uun ka dib geeridii Raiisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com