Beri Soomaaliya waxeey yeelaneeysaa madaxweyne cusub nin noocee ah ayaa hogaamin kara dalka waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa afkaar aan ka aruuryiyan inyar oo kamida shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho bal karti inee la,eg ayaa laga rabaa qofka noqonaayo madaxwenaha dalka ee afarta sano ee soo socoto ee maamuli doono dalka, waana kuwaan fikradaha dadka oo aan u qoray qaab u muuqanaayo qof doonaya inuu cabiro aragtidiisa.
Madaxweyne ayaan doonaayaa!!! kaas oo an afkaartiisa kasoo miingurin banaanka lehna fikir soomaali ah, kaas oo ka faaiideeysan karo waxii uu ka bartay taariikhda , kaas oo jecel in uu dhageesto fikirka dad weynaha sababtoo ah qofka xaakim ahi waa kan dhageesta dadwenaha uu xilka u hayo isagon fududeysaneen fikradaha la siiyo, kaas oo la xisaabtamo naftiisa inta aaney la xisaabtamin dadku, kaas oon ku adkeysaneen gafkiisa ,
Madaxweyne ayaan doonyaa!!! leh awood cajiib ah taas oo wax ku dhaqaajin karo awoodna u leh in uu dalka ka bixiyo dhibaatada jirta kana faaiideesto qaladaadka ka dhaco cadawgiisa iyo waliba qaladaadkii horay loo galay ,
Madaxweynaan dooranayaa!! Anigoo ku dooranaayo bini aadamnimadiisa iyo u gargaarida dadka dhibaateysan kaas oo jecel inuu hor istaago kuwa isku dayo ineey dhibaateeyaan dadka dhibaateeysan.
Madaxweynaan dooranayaa !! kaas oo rumeysan in dadka soomaaliyeed aay mar waliba guuleeysanayaan kaas oo mar waliba maanka ku hayo in uu dalka ka saaaro ciidamada shisheeye .
Madaxeynaan dooranayaa!!! Mar waliba aaminsan illaahey iimaan aan xuduud laheyn , lehna dhaqamaad islaami ah kuna xakumo dalka diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban.
