Uncategorized

Guddoomiyaha NASIYE oo Muuse Biixi Ku Maseeyay Maddane Dab ku Jira

Gabiley Sept 09,2012(SDN/Hubaal)-Urur-Siyaasadeedka Nasiye ayaa si rasmi ah u soo dhamaystiray 21ka Murrashax ee Uurkaasi uga qayb-galaya tartanka Doorashada Golaha Deegaanka Gabiley, ka dib markii ay Shalay  soo bandhigeen Todoba iyo Toban (17) Murrashax oo uga qayb galaya doorashada deegaanka.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay baahinta Todoba iyo Tobanka Murrashax oo lagu qabtay Hotel Xaaji Askar ee Magaalada Gabiley ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Urur-Siyasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar, Maxamuud Xaaji Maxamed Cumar/Xaashi oo ah Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, Isla markaana ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ururka oo dhawaan Isaga iyo Xubno kale oo uu hogaaminayey oo ka tirsanaa Ururkii Udhis ay ku soo biireen Ururkan Nasiye, Gudoomiye-ku-xigeenka Ururka Maxamed Xuseen Afgarad Madax kale oo ka mid ah Isla Ururka, Cuqaal, iyo Marti-sharaf kale oo aad u badan.

Gudoomiyaha Ururka Nasiye Axmed Muxumed Cumar oo ugu horreyn ka hadlay Munaasibadaa lagu soo bandhigayey Murrashaxiinta Ururka uga tartamaysa Tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanada ayaa si wayn ugu mahad celiyey Dadwaynihii sida diiran ugu soo dhaweeyey Isaga iyo Waftigiisaba Magaalada Gabiley, waxaanu jawaab adag ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Ururrada kaga dayrinayo habka ay u wadaan Ollollahooda “21kii Murrashax ee Urur-Siyaasadeedka Nasiye uga tartamayay Gobolkan Gabiley, Kaw iyo Labaatankaniba waxay ka turjumayaan Ujeedadii iyo Ajandihii Aas-aaskii Ururkan Nasiye, oo ahayd awalba Madal xor ah oo loo siman yahay, oo ay u siman yihiin Dhallinyaradu oo ay kaga qayb gasho Siyaasada, kaasina waa Nasiye oo waad aragtaan Dhallinyarada uu soo xushay inay yihiin Aqoonyahankii Jaamacadaha Dalka ka soo qallin-jabiyey, waa Inamadiinii, waxaan Idin leeyahay Codkiina Siiya, oo hakala bakhaylina, sidaa aad maanta ugu soo baxdeen Maalinta Codayntana ugu soo baxa, Iyagana waxaan leeyahay waxaad noqotaan Inamo ku dayasho Mudan, waayo waa Markii ugu horreysay ee Dhallinyaro timaado Madasha Siyaasada, waxaad u noqon doontaan Tusaale taariikhda Dhallinyarada hadii aad wax wanaagsan Fashaan, hadii kale oo aad fashaan wax aan la mahadina waxay u noqon doontaa Meel Dhallinyartu ku hungowdo”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Nasiye mar uu la hadlayey Murrashaxiinta Ururka Nasiye uga qayb gali doona Tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada Dalka.  Gudoomiyaha Ururka Nasiye Axmed Muxumed Cumar waxa kale oo uu tilmaamay baafinta ay Dadka intooda badani saaraan Madaxwaynaha Somaliland oo ay ku tilmaamaan in taladii laga faro-maroorsaday oo cid kale ka taliso Qasriga Madaxtooyada, taasi oo uu uga markhaati kacay jiritaanka Tuhunadaasi, isaga oo Arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi Gudoomiyuhu: “Dadku waxay in badan is waydiinayaan Shallay wax aad dooratay ayay diidayaan, Muxuu ahaa wixii aad dooratay? Sabab ayaa jirta, Hada ka hor Dadku may helin Wakhti Ikhtiyaari ah iyo Meel Xor ah oo ay ku doortaan Cidda ay doonayaan Iyaga oo xor ah.

Waayo, waxay ahayd tiro kooban oo Shakhsiyaad ah Cidda isa soo sharaxdaa, Tusaale Dadku waxay naceen Udub waxay doonayeen inay Isbadal doortaan, Meel kale oo u bannaanayd oo aan Kulmiye ahayna may jirin, Markaa Kulmiye ayay ku yaaceen, Reer Gabileyna waxay ka mid ahaayeen Magaalooyinkii ugu badnaa ee Codka Kulmiye ka helay, Laakiin Su’aasha ay Reer Gabiley is-waydiinayaan waxay tahay Codkii aad siiseen maxaa Ciwad ah ee idiinka soo noqday? Wax Alle iyo wax ka soo noqday may jiraan, Waxaan doonayaa in aan idiin iftiimiyo Su’aal Maalin dhawayd aan Arabsiyo iyo Halkanba idinku waydiiyey, Dad badan oo Reer Gabiley iyo Reer Arabsiyo ah ayaa inta ay ila soo hadleen igu yidhi Baas-weerdh ayaad nagu xidhay”. Ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Muxumed Cumar.

Waxaanu ku daray hadalkiisa Gudoomiyuhu: “Dad badan oo Reer Gabiley ah oo in badan ka cawday ama ka dooday dareenkooda tabasho u muujiyey Xukuumadii ay doorteen in aanay daboolin baahiyaadkoodii, Jawaabteedii ilaa imika kamay helin, Sabab ayaa jirta oo Dadka Reer Gabiley waxaanay is waydiinin wali Talada Dalkan aynu ku noolnahay Madaxwaynihii aad doorateen Intee in leeg ayay Gacanta ugu jirtaa? Markaad ogaataan Boqolkiiba inta  talada iyo Amarka Gacantu ugu jirto inta ay leegtahay, Ayaad is qancin kartaa Jawaabteeda, Waayo waad arkaysaan Reer Gabileyow, Mas’uuliyiintoodu Sadex bilood ma dhaafaan, Gobolka Gabiley waxa uu noqday Gobolkii ugu Badhasaab badalka badnaa, Gobolkii ugu Wasiiro badalka badnaa, Gobolkii ugu Taliye Ciidan badalka badnaa, Sabab ayaa keenaysa, Sababtu waxa weeyi Ninkii aad is lahaydeen waad doorateen, hadii aad ogaan lahaydeen Inta Talada Dalka Gacantiisa ugu jirta maydin calaacasheen ee waydin Samri lahaydeen”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Nasiye.

Gudoomiyuhu Isaga oo xusaya in uu arrimo door ah hayo oo uu ku cadaynayo in Madaxwaynaha laga faro-maroojiyey Taladii Dalka waxa uu yidhi: “Arrintaa cadaynteeda waxaan hayaa Bal Madaxwayne Siilaanyo Su’aalaha babliga ah ha inoo fasaxo, waxaanu waydiin doonaa Laba iyo Toban (12) Su’aalood oo dhacdo oo Maamul oo aanu waxba ka Ogayn, Bal si loo Jawaabo ayaynu arki doonaa, Maantana Wakhti kale ayaad haysataan aad ku tashataan, Waxa la yidhi waxa ku dhaafay, hadii aanay Barri ku anficin, oo Wixii shalay ku soo maray Calaacalkiisa badani waxba kuuma taro, laakiin waxa wax kuu tara hadii aad cashar ka barato, oo aanay Barri ku soo marin”.  Dhinaca kale Guddoomiyaha urur siyaasadeedka NASIYE ka jawaabay eedo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi u soo jeediyay ururrada siyaasadda ee dalka ka jira “Waxaan jecelahay in aan u jawaabo Nin Oday ah oo Maalin dhawayd ka hadlayey Xaflad Kulmiye ah oo uu yidhi Urrurada qaarkood Siyaasada ha soo bartaan, waxaanu difaacayey Xukuumada, Oday Muuse waxaan leeyahay Hadii aad ogtahay Talada Kulmiye in aanad waxba ku lahayn, Anigu waxaan ogahay Soomaalidu waxay tidhaa Madane Dab ku jiro, Waxaa lagu xushaa Hogaanada Xukuumada sida ay u kala sii neceb yihiin Muuse, markaa Xukuumada uu difaacayo ee uu taageerayo, ha ogaado taageerada uu ka haysto, ama Awooda uu ku leeyahay, markaa waxaan leeyahay Soomaalidaa hore uga maahmaahdayoo ‘Sidi-Siddidaada hore maahee Dhul u dhacaaga hubso’ waxaan leeyahay is Hubso.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha NASIYE.

Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada  Xil. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa Murrashaxiinta si wayn ugala dardaarmay nidaamka iyo habka ay u galayaan tartanka Doorashada Deegaanka, oo uu u tilmaamay in ay la yimaadaan Ajande Cad oo ay Shacabkooda u soo bandhigaan keenaan waxa uu yidhi : “Inamada Mutacallimiinta ah ee halkan inooga wada muuqda, waa in aydin la garab istaagtaan oo aad tustaan in ay idin matalaan, Qof kastaa waxa uu ka tago ayuu leeyahay, markaad Qur’aanka u fiirsataan inbadan ayuu ka hadlayaa Qur’aanku Taariikhda Umadihii inaga horreeyey oo Illaahay inoogu sheegaa, taa macnaheeduna waxa weeyi in aynu wax ku qaadano Kuwii hore (Xildhibaanadii hore ee Golaha Deegaanka) iyo waxay faleen, Murrashaxiintayadani Iyagana waxaan ka doonayaa inay la yimaadaan Qorshaha ay doonayaan in ay ku maamulaan oo ay Dadkooda ku hagaan ee taabanaya Adeegyada Arrimaha Bulshada iyo Baahiyaadka ay Dadkeenu qabaan”. “Somaliland maanta 21 sano ayaynu maraynaa, wali guclayntii ayaynu ku jirnaa, Kii Maalintaa dhashay maanta waakan sharaxan, wakhti yar maaha, waxaynu filaynay in aynu socod barano, oo Dawlad noqono, oo Dadku nastaan oo ay ka nastaan halgankii, iyo dhibtii badnayd ee soo gaadhay, laakiin wali may nasan”.

“Maanta Ururkan Dhallinyarada ah, ee Intayadan cirrada leh ugu waynahay oo aanu Alle ka baryeyn in aanay naga noqonin Cirro baaqsatay, oo Inamada dhallinyarada ah Hogaan toosan tusno, oo lagu dayan karo, inay Tuugo nagaga daydaan dooni mayno, inay Xumaan kale nagaga daydaan dooni mayno, Xaaraanta iyo Xalaasha in aynu kala saarno ayaanu doonaynaa, waxaynu doonaynaa in Dalkani hore u kaco oo Muctarif ka noqdo dunida, maaha in aynu baryootano, waa in aynu inagu isku kalsoonaano,oo Illaahay Tawakalno oo aynu socono ayaynu u baahanahay”. Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Madax sare oo ka mid ah Urur-Siyaasadeedka Nasiye, Cuqaal, Iyo qaar ka tirsan Murrashaxiinta kuwaas oo isla goobtaa ku dhamaystay wixii waano, talooyin, iyo Tusaalayaal iskugu jiray ee ay ugu diyaar garoobayaan Doorashada Golaha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.  Urur-Siyaasadeedkan Nasiye ayaa noqonaya Urur-Siyaasadeedkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u soo dhamaystira Murrashaxiintiisa uga qayb galaysa Tartanka Doorashada Golaha Deegaanka Gabiley, Iyada oo Ururka ama Xisbiga ugu soo dhawi uu shaaciyey Todoba iyo Toban Murrashax kaasi oo ahaa Xisbiga UCID.

Xigasho Jariirada Hubaal