HargeysaSept 10,2012 (SDN/Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee loo asteeyay magaaladda Muqdisho ka dhacdo 10-ka bishan September.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in xubnaha Baarlamaanka looga baahan yahay inay doortaan hoggaamiye daacad ah oo Soomaaliya ka saara dhibaatada muddada dheer soo jiitamaysay, isaga oo tilmaamay inay nasiib-darro tahay in Baarlmaanka Soomaaliya uu qof Kiristaan ahi Alle ka cabsi ku waaniyo.
Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay wada hadalada Soomaaliya ka baxdo, haddii doorashadasi lagu doorto dawladda shisheeye u adeegta.
Guddoomiye Faysal oo arimahaa ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Haddii aannu nahay shacabka reer Somaliland ma jirto wax xummaan ah oo aannu ka tirsanayno shacabka Somaliya, waxaanu u rajaynaynaa in ILAAHAY nabadgalyo siiyo oo uu ciidamada shisheeye ka dulqaado oo uu ILAAHAY beerkooda burcad isku mariyo. Sida aannu annaguba wanaagga u jecelahay ayaanu idinkana wanaag idiinla jecelahay, isku darsigii lixdankii muu ahayn fikrad xun, waxay eegayeen aabbayaashayo in shanka Soomaaliyeed meel la isugu keeno, taasi oo ahayd wixii ay u hureen xuquuqdii ay lahaayeen.”
Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay nuxurka khudbadaha murrashaxiinta ee Somaliland iyo dhibaatadii shacabkeeda la gaadhsiiya ku soo qaatay, “Adeer, [Murrashaxiinta Soomaaliya] waannu idin dhageysanaynay shalay, waxaad hadalkiina ku celcelinayseen waala xummeeyay [Somaliland].
Adeer lanama xummayne waxa lanoo beegsaday in lana tirtiro oo dadbaa shaadhadhka ku qortay in lana tirtiro, taariikhdana wax la qarinayaa ma jirto, laakiin waanu ka nabadgalnay oo ILAAHAY-baa guusha na siiyay, 21- sannadood ka dibna waxaanu nahay dawlad madax-banaan, ILAAHAY mooyaane wax awood ah oo aad noo leedihiina ma jirto, waxa muuqata in siyaasiyiintiinu aanay wali fahmin ujeeddada Somaliland, hadalkiinuna wuxuu noqday calankaanu siinaynaa.
Calan iyo Madaxnimo labadaba waanu haysanaa, caasimadna waanu haysanaa, waxanu jecelahay inaad maanta tiina ka talisaan, Somaliland-na dadkii lahaa ayaa gacanta ku haya, waxaanu doonaynaa inaanu tiina ka shaqeyno, maanta nimanka Baarlamaanka ku jira ee bari codaynaya waxaanu leenahay, waxa laga yaqyaqsoodaa marka nin ajanabiya oo Afrikaan ahi uu idin yidhaahdo “ILAAHAY ka cabsada” hadda qofkaasi Kitaabkii ILAAHAY iyo Sunnihii Nebiga (SCW) midna haysto oo nin Kiristaan ah, haddana idiinkii tukanayey ee Islaamka ahaa ayaa la idinka waaninayaa inaad codkiina iibisaan”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu annagu doonaynaa oo aanu idiinku ducaynaynaa in halkaasi dawladii ka soo baxdo oo dad madax ah oo ILAAHAY ka baqayaa yimaadaan, annaguna aanu u wada hadalno si siman, Qaran-baanu nahay adduunku la macaamilo oo shaqeynayey 21 sannadood, idinkana maanta ayaa qaranimo la idiin bilaabayaa haddii ay idiin suurto-gasho, wax badan-baa inaga dhexeeya, daymihii ay dawladii hore magaca Soomaaliya ku qaadanaysay ayaa inaga dhaxeeya ee aanay anaga 10% wax ahayni naga soo gaadhin, waxa naga dhexeeya sidii aanu dadkayagii Jasiira lagu laayay aanu lafahooda u soo qaadan lahayn ee aanu si fiican ugu aasi lahayn, waxa naga dhaxeeya sidii aanu dadki dambiga naga galay aanu u dabagali lahayn ee xasuuqa nala beegsaday.”
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda Somaliland kula taliyey “Haddii halkaasi ay ka soo baxdo dawlad shirkado leeyihiin oo shisheeye ku shaqeysto, waxaan dawladda [Somaliland] kula talinaynaa inaanu wada hadalada ka baxno, inta noo hadhayna dhaqaalahayagana aanu xooga galino si aanu dadkayaga u difaacno oo aan mar kale lana xasuuqin”ayuu yidhi.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
