Xafiiska Somaliland Ee Washington-D.C, Ma Buc-tireenkii Intuu Qoyenyey Islaamu Siteenbuu Noqday.!!
Sidda aynu wada og-nahay bulshooy Buctireenku waa geed aan weyneyn, qodaxna aan lahayn, waa geed muuqaal fiican aadna u udgoon oo hooyooyinku ay isticmaali jireen wakhtiyadii xasiloonidda ee ay nolosha Somaligu ay negiyeeyd. Buctireenku waa geed udgoon inta uu qoyen-yahay aadna u carfa, wakhtiyada qaar dhagta dusheeday sudhan jireen dumarku, balse marka uu qalalo wax udgoona oo fiican ma laha aakhirkana waa layska tuuraa oo munaafacaad ma laha ay hooyooyinku u sii sitaan.
Waxa sidaa buctireenka ka dhigan xafiiska Washington D-C aynu ku leenay oo wakhtigaa doorashada madaxweyne socoto isna loolan yar oo xiisayn uun ah xilkaas Safiirka fadhiidka ah uun ku kooban ayaa barbar socota doorashadaa madaxweyna, qaar waxa ay sii bilaabaan loolankaa mudo hore oo uu xidhiidhka sii sameeyaa si xusbigaa uu taageeraa ugu sii sunto xilkaa Safiirka fadhiidka ah ee Washington D-C. Dadkaa loolanka jaantaa roganta ah ugu jira xilkaa inta badan waa dad aan khibrad u lahayn xafiiskaa balaadhan ee u baahan waayo aragnimada iyo howl-karimada “Lab” ee lagaga midho dhalin karo, dadka qaar waa kuwo hinaase uun ku raadiya xilkaa meel ay ka soo qoorsadaanba, qaar waa kuwo iyagoo Taxi-Driver ah u dudaya xilkaa muga weyn.
Dadka qaarna waa kuwo ku haboon xilkaas gudashadiisa oo xanbaarsan aqoon majiiran iyo karti sara joogta oo si weyn wax loogaga qaban lahaa baahida loo qabo xafiiskan ee ay Somaliland u qabto, balse waxa ay waayeen meel ay ka soo maraan dadkaa aan kor ku sheegay ee hormasaartada tagani hagayso, maamulka markaa xilka dalka ku guuleystaana ma laha indho iyo dhago lagu maqlo dadka tilmaaman ee mudan in xilkaa loo dhiibo guul muuqatana ka keeni lahaa sida la hubo. Xafiiskan Somaliland ku magacaaban ee Washington D-C, waxa howlaha uu qaban lahaa ee ku waajibka ah ruuxaa jooga markaa ay yihiin sida tan.
1- In qadiyadda somaliland si weyn loogu ololeeyo iyadoo la adeegsanayo madaxda sare ee maraykanka si ay u geeyaan guriga cad qadiyadeena ugagana faaloon lahayeen kaalmada iyo talo ahaanba waxa ay inoo geysan karaan ee wanaaga.Waa in uu xafiisku si dublumaasiyadeed u fidiyaa uguna ololeeyaa qadiyada reer somaliland ee uu matelo, waa in uu kasbadaa in dawladaha uu ugu horeeeyo mareykanku uu ka helaa kaalmo taakulo aqoonsi raadisa.
2-In la helo qareeno lacag qaata oo si weyn ugu ololeeya qadiyadda somaliland, qareenadaa qarashkooda waa in ay dawlada Somaliland ay bixiyaan ileyn waa kuwan marfashyada iyo dhaqamada reebanba ku bixinayee.
3- Waa in shacbiweynaha reer somaliland ee qurba jooga ah loo abaabulaa sidii ay uga qeybqaadan lahayeen raadinta ictiraafka iyo gooni isu taaga qoomiyadeed ee ay mudada badan raadinayeen, bulshadu waa in ay maskax iyo dardar gelin ka heshaa xafiiska D.C.
Aad bay u tiro badan yiin shaqooyinka xafiiskaasi uu qaban lahaa balse waxa aad had iyo goor arkaysaa in cida loo igmadaa ay qar iyo buur cidlo ah foox ku shidanayso oonay fahansaneynba maskabkan ay hayaan waxa uu sida tooska ah ugu abtirsado iyo dhaqanka loo baahan yahay in lagu maamulo. Waxa aad moodaa xaqiiqada dhabta ah ee jirta in uu xafiiskaasi si weyn u baal marsan yahay maaha uun in Face-Book-ga shinbiro dhaqidood iyo guulaha shacbigu gaadhay inta website yada laga soo qaado lasoo geliyo Facebook-ga, ee lugta lagu maranayo karaamada shacbiga,waxa loo baahan yahay dedaal iyo xeelad qaangaadha oo ummada iyo qaranka-ba loogu shaqeeyo hadii aanad adigu shakhsiyan xanbaarsaneyn aqoontaas waxa jira walaalkaa oo kula dan iyo ujeedo ah oo aqoontaa rabi ku galaday ee la tasho oo talada wax ka sii inta aad qudhaajooyin dhaqideeed ka shekeyn lahayd aad ka sheekaysid sidii qoomiyad jirta ay ummadaadu u noqon lahayd.
Gebogebodan tilmaantan Wadaniga ahi. Waxa aan odhan lahaa madaxweyne Siilaanyo iyo hogaanka wasaaradda arrimaha dibaddu dib how kala guraan arrimaha dibada iyo hogaamadda loo igmanayo xilalkaa qaran ee qaradda weyn ee u baahan aqoonta iyo waayo arragnimada aadka ah, hadii kale arrinteenu waa buctireenkaa islaamu hadba inta uu qoyanyahay uun laga sheekeeyo ee islaamu sitaan.
Wa Bilaahi Towfiiq
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
