Hargeysa Sept 10,2012(SDN/Hubaal)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa la soo wariyay inay si baal marsan sharciga u leexsadaan lacago tiro badan oo aanay ka war hayn wasaaradda maalliyada, lacagahaas oo ay ka qaadaan dadka ka dhoofaya ama kasoo degay Madaarada Dalka gaar ahaan Madaarka Berbera oo ah kan ugu dakhliga badan. Lacagtaasi ayaa Maamulka Sare oo qaybo kamid ah ay Wasaaradda Duulistu hore ugu dariiq bannaysatay isticmaalkeeda ayaa saraakiisha wasaaraddu dadka kaga qaadaan iyaga oo ku andacooda dhinaca amniga taasoo ay si toos ah u maamushaan, iyadoo Wasaarada Duulistu ka mid tahay Wasaaraddaha ku jira shaxda Miisaaniyad sannadeedka, halka aanay kaga jirin shaxdaasi Hay’adaha kale ee Dawladda ee maamusha Dakhliyada ay soo saaraan sida Wakaaladda Biyaha ,korontada iyo kuwa kaleba.
Sida ay Wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah Lacagaha aan dariiqa lahayn ee Wasaaraddu qaado waxa ka mid ah $ 10[ toban Dollar] oo laga qaado qof kasta oo soo dagaya ama ka dhoofaya Madaarka,taasoo ay Wasaaraddu ku sheegto dhinaca amniga, gaar ahana qalabka Iskaaner[scanning] ee lagu baadho dadkaasi, iyadoo ay shaqaalaha ka hawlgala qeybtaasi siiso Mushaharooyinka hay’ad ka tirsan dalka Biriteyn.
Geesta kale waxa jirta lacag oo iyana Wasaaraddu ku sheegto amniga oo ay ka qaado qof kasta oo ka dhoofaya ama kasoo dagaya Madaarrada Somaliland,taasoo dhan $ 3[ saddex Dollar],waxa kaloo sii dheer lacagahaasi bilaa dariiqa ah hal Dollar oo laga qaado gaadhi kasta oo soo galaya gudaha Madaarrada. Waxa dheer lacagahaasi kuwa Wasaaraddu soo xalaashatay oo iyana uu Maamulka sare ee Wasaaraddu mamusho,waxana ka mid ah lacagahaasi $ 66 [Lix iyo lixdan Dollar] oo laga qaado qof kasta marka uu dalka ka sii baxayo iyo marka uu soo dgayo[go and back] iyo hal Dollar oo gaar loogu qaado Wasaaraadda Maaliyadda .
Haddaba, iyadoo Wasaaraddu lacagta baaxaddaa leh qaada oo aanay ku jirin qeybta aan ka helno lacagaha ay qabato [ICAO] laga qaado diyaaradaha isticmaala marinnada hawada Somaliland oo iyana la aqoon meel lagu shubo ayey haddana Wasaaraddu sida Wasaaradaha kale u heshaa Miisaaniyadda sannadlaha ee loo siiyo Wasaaradaha inay ka hawlgalaan wixii dheer Mushaaharooyinka shaqaalaha Dawladda.
Wararka kale ee kasoo baxaya Wasaaradda ayaa iyana sheegaya in Wasiirku uu hadal hayo hindise ah,in gebi ahaanba lagu wareejinayo Wasaaradda iyo qalabkeeda,iyo xafiisyadeedaba Shirkad madaxbannaan oo maamusha dhammaan hawlaha Gaadiidka Hawada iyo Madaarrada Somalilandba,inkastoo aan weli aan si rasmi ah loogu dhawaaqin wareejintaasi.`
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
