Hargeysa (SDN/Hubaal)- Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah sugaanyahanada dhulka Soomaalida ugu caansan ayaa ka dhiidhiyey dhaawacyo Magaaladda Nairobi lagu gaadhsiiyay Fanaanada da’da yar ee Nimco Xasan Muxumed (Nimco Dareen) Xilli ay bandhig faneed ka dhigaysay mid kamid ah Hoolasha lagu Caweeyo ee Magaalada Nairobi. Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu tix suugaaneed kooban ka soo saaray falka lagu dhaawacay Nimco dareen oo laba todobaad ka hor dhaawac lagu gaadhsiiyay goob ka mid ah Nairobi oo ay bandhig faneed ku qabatay. Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo Weriyayaal ka Socda Wargeyska Hubaal iyo Ramaasnews Shalay kula Kulmeen Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid gef ah oo fool xumo iyo waxyeelo ku ah fanaaniinta Soomaaliyeed guud ahaantood, isaga oo sheegay inuu aad uga xumaaday falka lagula kacay Nimco dareen markii uu maqlay isla-markaana uu ka sameeyay tix suugaaneed uu ku canaanayo dadka cadowga ku ah fanka iyo fanaaniinta, fariina ah u bahda fanka Soomaaliyeed, waxanu Maanshada uu u tiriyay ku bilaabay sidan:
Ninka nagu gefaayoow
Horta soo gadaal baro
Gabayada iyo geeraar
iyo heesihii gumeysiga
U cadeeyay guunee
Gilgilee wadnaha jaray
God madow biyo u dhigay
Gaadhsiiyay Quustii
iyo galab carawgii
Calankan galacliyo
Garansiiyay soomaalida
Gobanimo waxay tahay
Garan waaga nacaska ah
Gonda cunaha cadawga ah
Taariikh gunteed
iyo baarkeedna garaneyn.
Gad qabiil xinkeediyo
Gal siyaasad aan lahayn
ku gaafaya fanaaniin
Ifka wuu ku googi’i
Aakhirana god naareed
hebel laawe wuu gali
gafka iyo qaloociyo
gardarduu u galay kibir
dadka intii garaad lihi
iyo malaa’igta aan gadmin
guule waa ogsoonyahay
Waxay tahay gadeyduna
Maansadan gar-sheegta ah
saxar inaan la gaadhsiin
guud ahaan fanaaniinta
Gala soomaali dhalladkeed.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
