Muqdisho 10, September 2012 (SDN)- Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya oo maanta iyo ilaa caawa ka socotay xarunta Baarlamaanka cusub ee caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa hadda ku dhawaaqay natiijada doorashada uu hantiyay Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaya Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.
Mr. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu helay codad dhan 190 cod, halka uu Sheekh Shariif helay 79 cod oo keliya, iyadoo 269 xildhibaan codkooda dhiibteen.
Guusha Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxay ka dambaysay markii ay labadii murashax ee kala ee wareega labaad u soo gudbay oo kala ah; Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiqaadir Cali Cosoble ay ka tanaasuleen tartanka wareegiisii labaad, uguna shubeen Madaxweynaha cusub, si meesha looga saaro Sheekh Shariif.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoonyahan siyaasadda ku cusub, waxa uu ka soo jeedaa beesha Sheekh Shariif ka dhashay.
Haddaba goor dhaw la soco taariikh nololeedka Madaxweynaha cusub.
Qurbejoog.com, Muqdisho
editor@somalidiasporanews.com
