Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: “Dhibkii badnaa ee Soomaaliya soo martay waxay noqon doonaan bog la rogay, waxayna geli doontaa bog cusub”

Muqdisho 10, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhaartay xilkaas, ka dib markii hadda la soo gunaanaday doorashada uu guusha ka gaadhay ee ka dhacday xarunta Baarlamaanka dhowaan la xulay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf, ayaa si rasmi ah daqiiqado ka hor (9:35 PM) u dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. “Waxaan u mahadcelinayaa beesha caalamka ee mar walba Soomaaliya la garabtaagan taageerada niyadeed iyo mida maaliyadeedba,” ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay xubnaha Baarlamaanka ee u codeeyay iyo kuwa aan u codayn intaba. “Waxa maanta halkan ka dhacay waxaan filayaa inay ku qornaan doonto baal taariikh ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii la dhaariyay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Soomaaliya ka gudubtay dhibtii muddada dheer soo martay, haatana ay waajihi doonto jid horumar iyo nidaam cusub oo dawlad dhexe oo dhamaystiran ah. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waad ka timaadeen wadadii dhibka badnayd, waxaanad qaadi doontaan wado wanaagsan,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay oo uu balanqaaday inuu la shaqayn doono.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com