Minneapolis Oct 09,2012(SDN)-Maxkamad ka socota dalka Mareykanka oo lagu dhegeysanayo dacwad lagu soo oogay mid ka mida dadkii lagu eedeeyay in uu lug ku lahaan kaxeynta iyo gacansiinta dhalinta tagtay.
Saalax Cusmaan Axmed oo ka mid ahaa dhalinyaradii tagatay Soomaaliya ee ku biiriyay Shabaabka isla markaana Mareykanka ku noqday ayaa maxkamadu dhegeysatay markhaati furkiisa.
Saalax ayaa sawir ka bixiyay sida noloshoodu ahyed xiligii ay Soomaaliya ku sugnaayeen.
“Shabaabku waxa ay na daawadsiiyeen muuqaalo na cabsi geliyay oo ay ka mid ahaayeen nin madaxa laga gooyay oo ay sheegeen in uu ahaa jaajuus”ayuu maxkamada ka hor sheegay Saalax Cusmaan.
Saalaxwaxa kale oo uu sheegay in shabaabku ay ka ururiyeen baasabooradoodii isla markaana ay geeyeen xeryo tababar.
Sidoo kale waxa uu Saalax sawir ka bixiyey raashinka la siiyaya iyo halka ay seexan jireen.
“Waxa nala quudin jiray laba goor oo qudha waxaana nala seexin jiray gedo hoostood”ayuu yiri Saalax
Saalax Cusmaan ayaa ka mid ah rag dhar iyo toban ahaa oo ay dawlada Mareykanku ku eedeysay xiriir ay la lahaayeen Shabaabka oo dalkaa qoran argegixiso.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com
