Uncategorized

Oxfarm:Heerka Macluusha Soomaaliya waa ay ka sii dareysa

Nairobi Oct 09,2012(SDN)-Hay’ada Oxfarm ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in heerka macluusha Soomalaiya ay sii liidaneyso ka dib roobab la’aan iyo caqabado kale oo isbiirsaday.

Oxfarm ayaase sheegtay in Soomalaiya aaney ku habsan doonin abaar la mid ah mid sanad ka hor leysay Soomaali badan.

“Oxfarm waxa u muuqata biyo yari iyo raashin  yaraan heer khatar ah gaarsiisan,waxaaney uga sii dareysaa xaaladaha ka jira gobolada dalka qaar ka mid ah,taas oo sababi karta in gargaarka la sii wado ilaa sanadka danbe”ayay Oxfarm ku tiri fariin E-mail ah.

Warbixintan ay Oxfarm sii deysay ayaa ku saleyan xog laga soo ururiyay 1800 oo qoys oo Soomaali ah oo ku kala nool degaano kala duwan oo Soomaaliya ku yaal.

Oxfarm ayaa qoraalkeeda ku soo gunaanaday in Soomaaliya ay dib ugu noqon doonto marxalad naxdin leh hadii aaney beesha caalamku gacan qabad joogto ah Soomalaiya u fidin.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com