Hargeysa 9, October 2012 (SDN)- Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo axsaabta siyaasaddeed ee Somaliland, ayaa maanta kala saxeexday heshiis ku saabsan hab-raaca kala saarista ururada/xisbiyada u tartamaya doorashada Deegaanka ee loo muddeeyay November 28 2012.
Kulan ay guddiga iyo axsaabta siyaasaddu ku yeesheen Hargeysa, waxay si wadajir ah qalinka ugu duugeen qodobo ay isku maandhaaf sanaayeen oo ku jira xeerka doorashada, waxayna qalinka ku duugeen heshiis la xidhiidha hab-raaca kala-saaristooda.
Guddoomiyaha guddiga Diiwaangelinta iyo ansixinta xisbiyada Mr. Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale oo hadal ka jeediyay shirkaas, waxa uu sheegay inay si buuxda u damaaanad qaadayaan sida loo soo saarayo saddex urur ee loo aqoonsan doono xisbi qaran, iyadoo sida uu dhigayo xeerka doorashada Deegaanka iyo xisbiyada axsaabta looga baahan yahay inay gobol kasta ka helaan codad dhan 20% tirada codadka la bixiyay.
“Waxaanu ugu mahadcelinaynaa sida wadaniyada leh ee ku dhaca leh ee ay u saxeexeen madaxdii higsanaysay inay talada dalka qabtaan beri ee ka socda axsaabta iyo ururada siyaasadda, waxayna madashani taariikhi ku tahay inay suurtagelin doonto in natiijada maalinta lagu dhawaaqo doorashada 28ka November dhacaysa, in aanay keenin mid dadkii codeeyay ee safafka galay aan khalkhal la gelin,” ayuu yidhi Mr. Ciyaale. “Markaa si aanu u iman muran kale xeerkii oo sidiisa ah inuu qofkii ogaado inuu saxeexay, si uu beri isku yidhaahdo way ku qabanayaan haddii aad dadka si kale ugu waranto,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Qodobada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac kala saxeexdeen:
Qodobka lixaad: Kala-reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada Deegaanka
1. Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi Qaran, lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi;
2. Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto doorasahada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta, guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga, isu
geynta codadka boqolayda ee gobol kasta.
3. Haddii ay is leekaato tirada boqolayda (%) goboladda ee laba urur ama ka badan, waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala bataan tirada guud ee codadka.
4. Haddii Ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20%, waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran sadexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka Doorashooyinka boqolayda goboladda dalka;
5. Tobankii sanadoodba mar baa la abuuri karaa urur-siyaasadeed, si waafaqsan Xeerkan, hase yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo
Doorashada Golayaasha deegaanka.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
