Garoowe Oct 09,2012(SDN)-Xukuumada maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ka yeelatay arrimo dhawr ah oo Amaankuna ugu muhiimsanaa.
Xukuumadu waxa kale oo ay kulankeeda ku eegtay hirgelinta nidaamka axsaabta badan ee Puntland lagu wado in ay hirgeliso.
Wasiirka warfaafinta Puntland Md Maxamed Caydiid Dirir oo saxaafada uga warbixiyay kulanka ayaa sheegay in laga wada hadlay xaalada amaan ee Puntland.
“Madaxtooyadu waxa ay si gaara ula hadashay saraakiisha amniga ee Puntland oo la faray in ay ka soo warbixiyaan xaalada amaan ee dalka isla markaana ay dardar geliyaan xoojinta amniga Puntland”ayuu yiri wasiirku
Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in sidoo kale laga wada hadlay nidaamka axsaabta badan ee la doonayo in Puntland laga hirgelinayo.
“Nidaamka axsaabta badan ee Puntland ayaa laga hirgelindoonaa dhamaan degaanada Puntland waana qodobka labaad ee golluhu ka xaajooday”ayuu yiri Md Maxamed Caydiid Dirir.
Degaanada iyo siyaasiyiinta qaar ayaa ka biyo diidan in dib loo dhigo doorashooyinka madaxtooyada Puntland sanad si loo hir geliyo nidaamka axsaabta badan.
Doorashooyinka madaxtooyada Puntland ayay aheyd in la qabto Bisha kowaad ee sanadka ina soo haya.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com
