Hargeysa Oct 10,2012 (SDN/Hubaal)- Saraakiil ka socotay xafiiska Raysal-wasaaraha Turkiga oo booqasho ku yimid Somaliland ayaa shalay soo kormeeray wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland, iyagoo kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud C/Rashiid Jibriil Yuusuf isla markaana Booqasho sharafeed ugu tagay Wasiirka wasaarada Md. Abiib Diiriye Nuur.
Saraakiishan turkiga ah oo ka hor intii aanay magaalada hargeysa safarka ku Imanin ku soo horreeyey Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya oo ay kormeer kan oo kale ah ku soo mareen wasaaradda warfaafinta Somaliya gaar ahaan Radio Muqdishho iyo TV-ga dawladu Maamusho, waxa ay kormeerkooda shalay ee Hargeysa ku soo mareen wasaaradda warfaafinta iyagoo soo indho-indheeyey agabka ay ku shaqeeyaan waaxyaha wasaaradda sida Telefishanka qaranka Iyo Idaacada Radio Hargeysa, iyagoo warbixino ka dhegaystay agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo agaasimayaasha waaxyaha oo ay wehelinayeen engineerada kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.
Kulan kooban oo ay weftigiisu xafiiskiisa kula yeesheen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur ayaa waxay weftiga Turkiga ahi uga mahadnaqeen mas’uuliyiinta wasaaradda sida ay wasaaradda ugaga warbixiyeen.
.
Saraakiishaasi Turkiga ahi waxay hore kormeer ugu soo mareen Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, Jaamacadaha dalka qaarkood, kormeerkoodaasna waxa ku wehelinayey agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
