Uncategorized

Musharrax u Tartamay Doorashadii Madaxweynaha Xamar oo Hargeysa Tax-taxaashaya Iyo Dawladda Somaliland oo Aamusni ku Daawanaysa

Hargeysa Oct 10,2012(SDN/Hubaal)- Mid kamid ah Musharraxiintii u tartamayay doorashadii Madaxweynaha ee bishii hore ka dhacday dalka Soomaaliya ayaa  haatan  safar aan ujeedadiisa la garanayn ku yimid Dalkan JSL.

Musharraxan oo Barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu hor dhigay Baarlamaanka ee uu kula tartamayay musharraxiinta kale  ku caddeeyay  inaanu aaminsanayn wax la yidhaa Somaliland balse mowqifkiisu yahay mid ku wajahan midnimada Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Caasimadda Hargeysa, iyadoo aan ilaa hadda garaneyn sifaha uu kusoo galay dalka.

Musharraxa ku sugan Hargeysa  oo oo ah Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waa Madaxii hore ee laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo weji gabax  kala kulmay tartanka doorashadii ka  Dhacday Muqdisho bishii 10-kii bishii hore ee September ee sanadkan, kadib markuu ka helay wax ka yar toban cod oo uu ku jiro codkiisu ayaa maalmihii u dambeeyay Hargeysa Jooga, iyada oo aan illaa hadda wax tallaabo ah Xukuumadda Somaliland ka qaadin imaatinkiisa iyo ujeedada safarkiisaba.

Yuusuf Garaad oo lagu Xasuusto dagaalka badheedhka ah ee  uu Hay’adda uu madaxda ka ahaa ugu adeegsan jiray Somaliland iyo Qaddiyadeeda madaxbanaanida, taas beddelkeedana uu ku caan baxay buunbuuninta  Xukuumadihii u kala dembeeyey Soomaaliya ee aan inta ay ka  degganaayeen Muqdisho mooyee ka talin  Jirin meel kale ayaa wixii ka dambeeyey markii uu ka tegey masuuliyadii uu Hayay ee uu u ban-baxay dhinaca Siyaasadda iyo  saaxadda Soomaaliya waxa uu  hadda ka mid yahay siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeda  Madaxbannaanida Somaliland, isagoo ku suntan inuu yahay shakhsigii Ka hirgeliyey BBC-da beentii ugu weyneyd ee ahayd  in Halgankii lagu riday Taliskii Siyaad Barre uu ka soo Bilowday 1991kii,isagoo toos u deedifeeyey  jihaadkii  uu ururkii dib u xoraynta qaran ee SNM ilkaha kaga guray ciidammadii Afweyne oo lagu tiring jiray  kuwa ugu awooda iyo quwadda badan  Qaaradda Afrika.

Lama Garanayo ujeedada uu salka ku hayo socdaalka Yuusuf Garaad ku Yimid Somaliland iyo Sababta ay laamaha Socdaalka ee dalku ugu soo daayeen dalka maadaama oo aanu haatan ahayn suxufi ee uu yahay siyaasi Mabda’ Somaliweyn huwan.

Marka aynu u soo noqono Arrinta imaatinka Somaliland ee Yuusuf Garaad oo aan haatan la ogayn siyaasaddaha qarsoon ee ka dambeeya  iyo sifaha uu iskaga soo galay dalkaba  waxa uu mugdi hor leh sii gelinayaa  qaddiyada JSL, taasoo haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin ka dhigi doonta dalka iyo qadiyaddiisaba waxba kama jiraan. Macnawiyan sidan marka aynu leenahay uma jeedno  maxaa loo bartilmaameedsanayaa Ina Garaad, balse haddii aan xukuumadda Somaliland jawaab degdeg ah ka bixin waxa ay shaki la’aan u muuqanaysaa in uu waddo halaq noqdo marinkaasi oo ay  iska soo geli karaan siyaasiyiinta kale ee cadawga  u ah jiritaanka qadiyadda Somaliland, sidoo kalana aanu jiri doonin wax xuduud ah oo dambe oo kala xidhaya JSL iyo Soomaaliya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com