HargeysaOct 10,2012 (SDN/Hubaal)-Madaxa abaalulka iyo wacyi galinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Siciid Axmed Geelle (Hawle) ayaa iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu sheegay inuu xisbigaas ka waayay xuquuqdiisa siyaasadeed iyo tii muwaadinnimoba.
Sarkaalkan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera ayaa ka warramay sababaha uu isku casilay iyo waxyaabaha ku dhaliyay, waxanu yidhi “Aniga oo Xisbiga kulmiye ka tirsanaa ilaa 25.3,2003 ilaa maanta oo aan is casilaayo ,mudadaasna xilal kala duwan ka soo qabtay aan joogay xisbiga kulmiye .xilalkaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxa dhaqaalahaiyo gaadiidka ee gudida fulinta heer gobol .Madaxa abaabulka iyo wacyi galinta ,waxaan kale oo ahaa gudidii kaanbaynkii doorashadii ugu danbaysay ee dalka ka dhacday waxaan maanta hadaba halkan ku cadaynayaa inaan iska casilay xilalkaas kala duwan ee aanka soo qabtay xisbiga kulmiye talada dalka haya sabaabaha aan iskaga casilayna wax aka mid ahaa ,
Ka dib markii aan ka waayay xuquuqdii muwaadan nimo iyo tii degaanadii aan ka soo jeeday eek u yaala Koonfur bari Berbera iyo bariga sheekh ,ayna degaan beelaha lasku yidhaaahdo muuse bari ,waxa kale oo iyaduna jira in aanay deegaamada aan soo sheegay helin waxay xuquuq u lahaayeen iyaga oo dhamaanaba taageeray isbedelkii lagu doortay xisbiga kulmiye waxaana ka mid ah raga duudsiyay xaquuqda ay u lahaayeen degamooyinka iyo taageerayaashu qaar ka mid ah madaxada gobolka saaxil kana tirsana dawladii hore ee Riyaaale iminana ka taliya xisbiga kulmiye markaa waxa socota arinmo ah minjo xaanbinayo samaynayaan lamina fahan sana ,markaa xilka aan maanata ka tegaayo waxa aan kala tashaday guud ahaanba deegaaanada dego iyo dhamaanba taageerayaashayda kala duwan waana ay u raacsan yihiin arintan
Intaa ka dib Aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca degmooyinka aan hore u sheegay waxaan baaq la xaadle u dirayaa xildhibaan siciid cilmi rooble ka tirasan baarlamaanka somliland lagana soo doortay degaanad saxil waxaan lee yahay xildhibaan dadkaagi iyo gobolkaagi waxa laga dhigay raaciyad aan helin xuquuqdoodi waxaan kugula talin lahaa inaad ka baxdo xisbiga kulmiye ee talada dalka haya ama aad xaquuqda uu lee yahay gobolka saxiliyo degoomiynka laga soo dooratay inaad raadiso
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
