Uncategorized

Dr Gaboose:Cida U Gudbaysa Xisbi Waa Inay Gobollada Iyo Degmooyinka Ku Yeelato Cod Xoog Leh

Hargeysa Oct 10,2012 (SDN/Hubaal ) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ummadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in Ururada ku tartamaya doorashadda Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhici-doonta 28-ka Bisha November 2012-ka ay Xisbiyo ugu gudbi karaan iyagoo cod ballaadhan ka hela Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Dr Gaboose oo shalay  Warbaahintu wax ka weydiisay dareenkiisa ku wajahan  Qodobka 6-aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee ay Guddida Diwaangelinta, Axsaabta qaranka iyo Ururada siyaasadu kala saxeexdeen, ayaa waxa uu sheegay in Xeerkaasi Ururadu ay wada saxeexeen ay ku jirto danta qaranku, isla-markaana waxa uu tilmaamay in Qodobkani uu saldhig u yahay qabsoomida doorashada.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhamaan Ururada saxeexay may saxeexeen haddaanay u arag inay danta qaranku ku jirto, waxaan doonayaa inaan Ummadda u iftiimiyo in Qodobkan oo ah Saldhiga doorashadda iyo sida Xisbi loogu gudbi karo in laba meelood uu aad uga dhismay oo Goleyaasha Sharci dejintu waxay soo afjareen in cida ka gudbaysa Urur ee uu gudbaysa Xisbi ay noqoto cid ku leh mug Gobolada iyo degmooyinka Dalk oo dhan “

Dr Gaboose oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Sidaa ayaanay ku saleeyeen %20 inuu tartanku ku dhaco, Guddida Diwaangelinta, Komishanka iyo cidii alaale iyo cidii ka soo shaqaysay Xeerkan, waxay soo afjareen muran oo sidii sharcigu saleeyey ayey cadeeyeen ururadii-na wey u sharaxeen” ayuu yidhi Dr Gaboose, waxaanu intaas ku daray “Ururadii iyo Xisbiyadii-na wey ogolaadeen oo wey saxeexeen taas oo macnaheedu waa in cid alaale iyo cida u gubaysa Xisbi ay tahay inay muujiso in Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku yeelato cod xoog leh oo %20 iyo wixii ka badan ah, taasina ay muujisay inuu yahay Xisbi Dalka oo dhan matali-kara”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com