Uncategorized

Kooxaysigii KULMIYE oo Kala Raray Habar-jeclo Bari

Hargeysa Oct 11,2012(SDN)-Waxaa dhawaan layskugu yimid shir lagu balansanaa oo loogu ollolaynayay xisbiga KULMIYE, Kaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta beesha Habar jeclo kaga jirta xukuumadda, labada gole ee guurtida iyo wakiillada, aqoonyahan iyo waxgaradka kale ee beeshe ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Shirkan ayaa markii uu bilaabmay waxa dhacday arrin fool xumo iyo nasiib darro ah oo soo wajahday qaybtii Habarjeclo Bari oo ah qayb ka amar qaata guddoomiye ku xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, arrintaas fool xumada ah oo xudunteedu ahay kadib markii Mujaahidku Amar ku bixiyay in shirka laga saaro rag aqoon yahano ah oo beesha ah khaasatan  labada jilib ee Muuse Abokor iyo Cumar Jibriil, kuwaas oo ahaa rag aanu jeclaysan , sidaasna amarkiisii lagu fuliyay shirkiina lagaga saaray.

Nasiib darrada kale ee dhacday waxay ahayd  inay goobtii ay ka kacaan rag kale oo ka biyo diiday qaabka foosha xun ee wax loo wado iyo cunsuriyadan qaawan ee Maxamed Kaahin ka dhex wado H.Jeclo Bari

Haddaba anagoo ka mid ah aqoon yahayn ka beelaha Muuse Abokor iyo Cumar jibriil, Maxamed Kaahin waxaanu leenahay waxaanu is lahayn wuu ka koray kooxaysigii iyo nin jeclaysigii haddii se dhaqan kaagii uu noqday kooxaysi iyo nin toocsi waa nasiib kaa, hana eersanin cidkale ee naftaada iyo talo xumadada eerso, goob kastoo kamida deegaanada Muuse Abokor iyo Cumar jibriil waxaa kaaga horaysay H.jeclooy Muuse waa kaa.

Takale iyana waxaanu farriin gaara u diraynaa xildhibanada labada gole kaga jira beelaha muuse Abokor iyo Cumar jIbriil ee xukuumada siilaanyo deegaanadoodii waxba u qaban, maantana doonaya inay KULMIYE  uga soo ololeeyaan ee ay ugu horeeyaan Xil. Aadan Tarabi Oogle, Xil. Faarax Dheere,  Xil. Qoor,  Xil. Ruush Caraale iyo Xil. Aadan Sanwayne.

Waxaan leenahay laydiinma dooran danta Maxamed  Kaahin ee waxaa laydin doortay danta deegaamada aad ka soo jeedan tiina waad gabteen sida muuqata’e Haddii aad noqoteen adeegayaashii Maxamed Kaahin waad mahad san tihiin Maxamed Kaahina waxaan leenahay Karis xun iyona wax ku la’.  Muuse abokor iyo Cumar jibriilna waxay noqon tuul kaad sheegtay ama qaran tashada. KULMIYE-na warkiisa waad haysaa oo maaha maanta mid aan u baahanahay. Ugu dambeyn Qoraalkan waxaanu ku soo Gebogabaynaynaa Farriin Gaar ah oo aanu u dirayno deegaamada beelaha Muuse Abokor iyo Cumar Jibriil oo kala ah

Togdheer, Saaxil, Saraar, Sool iyo Sanaag, fariintaasina waxa ay tahay ‘Tashada oo Xisbigii KULMIYE  ka tashada, xildhibaanadii aad doorateena ma noqonin danta deegaamadiina ee wa kuwo adeegaal u ah Maxamed Kaain.

Prof. Cabdiraxmaan Cali Xasan

Prof. Muuse Maxamed Ducaale

Prof. Jaamac Xasan Jaamac

Muj. Maxamed Cumar Ow-Ismaaciil