(KampalaSDN)Maansadan waxaa tiriyey abwaan calidhuux cismaan cali, taariikhdu markay ahayd 27/06/2011
markii uu ku guuleystay kursiga madaxtooyada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoo
abwaanku ugu ducaynayo madaxweynaha in uu alle ka dhigo kii dadkiisa dalkiisa anfaca oo alle
u barakeeyo xilkaas uu qaaday. abwaanku wuxuu maansadiisa ku bilaabay sidan :
ninka gabayga deelkiyo
ku bineeya daalkaw
daljiraw inaadeer
marka hore dalkeenii
doorashaa ka socotoo
ololaa durbaaniyo
sacab loogu darayaa
marka xiga dadkeenii
ninba meel u doolyoo
aqalada duryamayiyo
guryaa jilibka lays daray
daaqsinbaa la gooshoo
dumarkiyo ciyaalkii
baaburada dakeeyiyo
dabaqyaa la saaroo
ninba maalin doodiyo
umarshaa dabuubtoo
gabalku ugu dumayaa
Daljiraw inaadeer
hadal lama dabaashoo
dusha lagama fuule
dardaaran weeyaan
iyo duco facweynoo
dayaxaa iftiimaan
ugu deeqayaayoo
daacad weeye heestuye
deedlkayga maansada
bal dayaay dadweynaw
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Dadku way barteen
Anay daayacaan
Dibjirkiyo qofkii
Dantu ay heshee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Hantidii dalkiyo
Dekedaa berbera
Kii daryeelayaa
Danta noo wade
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaaw
Dabin kaan melmelin
Qofna kaan dulmiyin
Xaqoo daahiriyo
Naska kaan dulmarin
Addaa daainaw
Doorka noo hayee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Qofna kaan dirqiyin
Dir kaan dacwiyin
Cidna kaan durkinin
Addaa daainaw
Doorka noo hayee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Dadka baahan iyo
Inta taagta daran
Duqiyo dhalaan
Dumariyo ciyaal
Kii daryeelayaa
Danta noo wadee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Dalacsiga qabiil
Reerkaa derderan
Ninkaan doorbidayn
Danta guud habee
Qofna daalac siin
Adaa daainaw
Doorka noo hayee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Habka doorka lee
Dadka loo hagee
Dawladuu tiqiin
Rooble daacadaa
Degeyoo hantee
Diraacaw yaqaan
Dawga loo qabtee
Xukun loo dabakho
Adaa daainaw
Doorka noo hayee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba
Roobku noo da`yoo
Doorashaa dhacdee
Daainaw allaw
Ictiraaf la doon
Daahir soo hungow
Tuur waa dalboo
Cigaal waa ku daray
Duleedkuu jiraa
Lixdankii durkuu
Degelkiisa yaal
Wey na doonayaan
Waanu diidanee
Iyagaa durqumay
Dawladii sameyd
Dulqaad waa dhintee
Adaa daainaw
Doorka noo hayee
Darajaan helniyo
Dahab nooga yeel
Ninkaan dooraniyo
Dawladuu wataba………..
Aamiin…Aamiin…Aamiin
Wariye Khadarbitijoor
Email Khadarbitijoor@Hotmail.Com
Tel:+256791661106 ama 00256791661106
Xafiiska Warqabadka SDNugandha/kampala

