Uncategorized

Madaxweyne Kibaki oo codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday go’aankii Baarlamaanka Kenya mushaharka ku korodhsaday

Nairobi 11, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Mwai Kibaki, ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday go’aan ay Baarlamaanka dalkaasi ku korodhsadeen lacag dheeraad ka ah mushaharooyinkooda faraha badan.

Baarlamaanka Kenya oo ka mid ah kuwa ugu mushaharka badan qaaradda Afrika, waxa uu habeenimadii Khamiistii aynu soo dhaafnay uu si qarsoodi ah ugu codeeyay sharci u qoondaynaya in xubnaha Baarlamaanku qaataan midkiiba lacag macaash ah oo boqol iyo toban ku oo doolar ah (110,000) ka dib marka uu muddo-xilleedkoodu dhamaado horaanta 2013.

Xubnaha Baarlamaanka Kenya oo ka kooban 222 xubnood, waxa uu midkiiba bishii mushahar u qaataa $10,000 (toban kun oo doolar) oo laga dhaafay in laga jaro cashuurta mushaharooyinka kale laga qaado. “Go’aankani ma waafaqsana Distoorka Kenya,” ayuu yidhi Kibaki. Wuxuuna intaa ku daray, in xataa go’aankan oo aan caqligal ahayna aanu waafaqsanayn duruufaha dhaqaale ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war-murtiyeed uu Madaxweynuhu soosaaray.

Go’aanka Baarlamaanka oo si sir ah u dhacay markii ay u codaynayeen lacagaha ay doonayeen inay korodhsadaan, waxa uu dhaliyay dibad-baxyo lagaga soo horjeedo oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Qurbejoog.com, Nairobi