Uncategorized

Al Shabaab oo Hoobiye ku garaacay Afmadoow

Afmadow Oct 22,2012(SDN)-Meliishaadka kooxda Al Shabaab ayaa madaafiicda Hoobiyaha loo yaqaano ku garaacay magaalada Afmadoow ee gobolka Jubadda Hoose.

Magaalada Afmadoow ayaa waxa haatan gacanta ku haya ciidamada dawlada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha lagu garaacay guddaha magaalada Afmadoow ayaa gebi ahaan ku dhacay goobo dad rayid ahi ay ku noolaayeen.

Waxaan weli cadeyn baaxada khasaaraha dhabta ah ee hoobiyeyaashu u geysteen dadka waxyeeladu soo gaadhay.

SDN-Afmadoow

contact@somalidiasporanews.com