Uncategorized

AMISOM oo tababar u furtay ciidamo booliska Soomaaliya yeelanayo

Muqdisho Oct 22,2012(SDN)-Ciidamada AMISOM qeybtooda Booliiska ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay tababro ay u furayaan ciidamo cusub oo Boolis ah oo Soomaaliya ay yeelaneyso.

Ciidamada Booliska loo tababarayo oo isugu jira rag iyo Dumarba ayaa ah markii u horeysay ee lab iyo dhedig wadajir loogu tababro ciidamad aamniga ee dalka.

Dumar Soomaaliyeed oo ku lebisan direyska ciidamada ayaa iminka lagu arkaa iyaga oo ka hawlgelaya wadooyinka magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa 160 Boolisa Muqdisho tababar mudo soconaya uga furtay dugsiga tababarka ee General Kaahiye.

Tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee AMISOM bixineyso ayaa lagu wadaa in uu qaato mudo laba todobaad.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com