Hargeysa 13, November 2012 (SDN)- Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta galay 45 maalmood ah, ka dib markii uu u dhamaaday kal-fadhigii 48aad ee golahaas.
Guddoomiyaha Guurtida Xaaji Saleebaan Maxamuud Aaden oo hadal ka jeediyay fadhigaas lagu soo xidhay kal-fadhigaa golaha, waxa uu xildhibaanada kula dardaarmay inay ka qaybqaataan sidii ay doorashada Deegaanka oo lagu wado inay qabsoonto November 28, ay ugu qabsoomi lahayd hab nabadgelyo ah.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in mudaneyaasha Guurtidu dhex u yihiin xisbiyada/ururada siyaasadeed ee tartamaya, loogana baahan yahay inay dhex u ahaadaan ururrada iyo murashaxiintaba.
Guddoomiyuhu waxa uu xildhibaanada golaha ku booriyay inay dardar geliyaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugida nabadgelyada dalka, maadaama lagu gudo jiro xilli xasaasi ah. “Waxaa loo baahan yahay in shacabka la fahamsiiyo siday iyagu uga qaybqaataan sugida amniga,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden.
Dhinaca kale, dardaaranka guddoomiyuhu u jeediyay xubnaha golaha Guurtida, waxa uu ku soo beegmay xilli ay beelaha qaarkood saluug ka muujiyeen nidaamka doorashada, gaar ahaan sanaadiiqda guddiga Doorashooyinku u qoondeeyeen deegaanadooda.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
