Stackholm Nov 13,2012(SDN)-Dawlada Sweden ayaa hadal ay soo saartay laanteeda socdaalka waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa Soomaalida mustaqbalka dhaw halkaa u magangelyada doonan doonta.
“Dagaaladu ma aha qaar joogtaah oo loogu yiiri karo dagaal sokeeye,balse waa ay jiraan xaalado qalafsan”sidaa waxa saxaafada u sheegay Fredrik Beijer oo ah khabiirka dhanka Sharciga ee guddida maareysa qaabilaada dadka megengelyo doonka ah.
Ilaa iyo haatan Soomaalida dooneysa in ay Sweden degto ee ka soo jeeda degaanada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo Muqdishonaku jirto waa la qaabili jiray.
Hadase wixii ka danbeeya Sweden waxa ay qiimeyn doontaa xaaladaha shakhsi ee uu ku dalbanayo magengelyada.
Guddi xaqiiqo raadin ah ayay dawlada Sweden u dirtay Soomaaliya dhawaan si loo qiimeeyo xaalada Soomaaliya.
Waxaaney soo saareen war ay ku sheegeen in xaalada dalku si weyn isku bedeshay intii ka danbeysay kolkii Shabaabka laga guuleystay.
Tani bay yiraahdeen waxa ay u saamexeysaa dadka weli ku nool goobaha colaadu ka jirto in ay u talaabaan goobaha badan ee nabadu ka jirto.
“Dhaqdhaqaaqii Al Shabaab waxa loo wiiqay si weyn,dagaalkii kululaana waa uu joogsaday”ayay ku soo gunaanadeen warbixintooda.
M acada sida ay warbixintani u saameyn doonto Soomaalida u hayaameysa Sweden,waase mid xitaa saameyn ku yeelan kareysa sida dalalka reer galbeedku ay u qaabilaan Soomaalida dalkooda uga soo hayaameysa colaadaha iyo burburka nololeed ee ay sababaan.
SDN-Stackholm
contact@somalidiasporanews.com
