Muqdisho Nov 14/12 Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada cusub ee Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta ka ambabaxday garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa hogaamineysa wafdi lagu wado in dowlada Somalia ay uga qeyb galaan shirka wasiirada arrrimaha dibeda ee wadamada Islaamka oo maalinta ah la filayo inuu ka furmo magaalada Jabuuti.
Wasiirka arimaha dibeda ee Somalia iyo wafdiga ay horkaceyso ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku sii sagootiyey madax ka tirsan dowlada Somalia.
Shirka wasiirada arimaha dibeda ee dalalka Islaamka ayaa la filayaa in la iskula soo qaado arimo ku saabsan iskaashiga dalalka Islaamka iyo taageerida dowlada Somalia.
Safarka ay raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan kaga ambabaxday magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay dalka kaga ambaxado tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.
Shalay ayey aheyd markii baarlamanka Somalia uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnaha golaha wasiirada, kuwasoo maanta la filayo in xilalkooda si rasmi ah loogu dhaariyo.
Muqdisho Qurbojoog.com
